WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 14, 2016 (Saxafi) – Guddida joogtadda ee golaha Guurtidda Somaliland, ayaa shalay xog waran la yeelatay maayarka caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaana uga waramay waxqabadkii mudaddii uu xilka hayey.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa uga xog bixiyey guddida joogtadda ah mudaddii ay joogeen wixii ay dawladda hoose u qabteen, waxaanu xusay in wadooyin badan ka hirgaliyeen caasimadda, isla markaana kor u qaadeen bilicda caasimadda iyo maamul daadejin u sameeyeen dawladda hoose.

Sidoo kale, maayarku waxa u sheegay in aanay wax qalab ah ugu iman dawladda hoose, balse mudaddii ay joogeen ku dadaaleen qalab kala duwan oo lagu shaqayn karo soo iibsadeen, isagoo xusay in sanadkii tagay qalabkii ugu faraha badnaa ee wadooyinka lagaga shaqayn lahaa u soo iibiyeen.

SomlegalAds
Ugu horeyn maayarka oo ka hadlaya siday dawladda hoose ahayd iyo imika wakhtigan qaabkay u shaqeeyaan, waxa uu yidhi “dawladda hoose waxay masuul ka tahay mujtamac faro badan, dadkeenuna inta badan cashuuurta way ka dhego adeegaan, wixii wax lagu qaban lahaana waa cashuurtaasi”
Waxaanu intaas ku daray “golaha deegaankayagu wax qalab ah uguma iman dawlada hoose oo ku filan in wax lagu qabto, waxa laga yaabaa in kilo mitirkii wadada ahayd uu ku baxo lixdan kun oo dollar in ka badan oo uu ku kici jiray markii aanu nimid, dawladda hoose markii aanu nimid wax qalab ah waxay lahayd laba Sheewal iyo hal gareydhal, hal bardawsal oo fadhida, wax alaale wax iska rogo ah iyo qalab oo ay lahayd may jirin, waxa jirtay in aanu qalab labaddii sanadood ee u horeeyeyba iibsanno laba iska rogo oo afar iyo labaatan tan ah oo noocii waaweynaa ah iyo cagafyo, waxa sanadkii u dambeeyey ee ina dhaafay aanu soo iibsnay warshad dhamaystiran oo casri ah oo qalabkii wadooyinka lagu samaynayey ah oo dalka Itoobiya ka soo iibsanay, warbixintan aan idin soo gudbiyey waxa ku qoran waxyaalihii kale ee adeega bulsho ah iyo wadooyinka aanu samaynay, xaga garoomada waxaanu samaynay garoonka Xawaadle, garoonka Axmed Macalin Haaruun, garoomada kalena waanu xaadhnay oo waanu u hagaajinay”.
Maayarka ayaa sheegay in aanu laaluush ku bixinayn dhulka dan guud, waxaanu xusay inay dad badan ku kala tageen markii uu u diiday inuu siiyo dan guud, taasina ay u keentay inay meelahaa daacayado ka fidiyaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “kuwaasi waxay ka hadlayaan waa dhul dan guud ah na sii waan balanqaadayaa in aanan laaluush ku bixin qof dan guud doonaya, waxaana loo hayaa ama wax loogu qabanayaa caruurteena meelihii mustaqbalka ku ciyaari lahaayeen”.
Maayarku waxa uu ka wada jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen guddida joogtadda ee golaha Guurtidda, waxanay xildhibaanaddu maayarka ku amaaneen waxqabadka muuqda ee ay ku talaabsadeen golaha deegaanka Hargeysa ee uu hogaaminayo maayarku, sidoo kale waxay ku amaaneen qalabka faraha badan ee uu caasimadda u soo iibiyey.
 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.