WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 22, 2015 (Saxafi) – Guddida Sicir Bararka ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siillaanyo u xilsaaray wax ka qabashada Sicir bararka dalka, ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo ay kala hadleen arrimo dhawr ah oo la xidhiidh sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka.

Guddida Sicir BararkaWar kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa uu u qornaa sidan:
 “Guddida Sicir-Bararka ayaa shalay shir la yeeshay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland. Shirkan oo daba socda shirar dhawra oo ay guddidu hore ula kulmeen qaybo kala duduwn ayaa galabta lagu la faguray arrimo xambaarsan talooyin iyo tusaaleyaalba, iyadoo halkaasi la isku dhaafsaday afkaaro duluc iyo micno u yeelidoona go’aamada la filayo inay ka soo baxaan shirarka danbe marka ay guddidu dhamaysato, kulamadan is xogwaraysiga iyo talooyinka ah ee sida hamsamida iyo wanaagu ku dheehan yahay uga socda qasriga madaxtooyada gadhwadeena ka yahay madaxweyne ku xigeenku ahna gudoomiyaha Guddida, kuna wehelinayaan masuuliyiinta Baanka dhexe, iyo Xubnaha gudida oo wasiiro u badan.
Kulankan shalay ayaa kaga duwanaa kuwii hore arrimo dhawra oo ay ugu muhiimsan yihiin in Guddida Dhaqaalaha ee Wakiiladu ay hore iyagu isugu dayeen arrintan xogo-dheeraadana ay ka hayeen una gudbiyeen guddida madaxweynuhu u saaray sicir bararka ee hada ku hawlan arrintaa.
Ugu danbayn waxa shirkaasi ku soo dhamaaday jewi wanaagsan iyo Isfahan lagu gorfeeyey arrimo muhiima.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.