WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 03, 2014, (Saxafi) – Xubin ka tirsan xildhibaanadda golaha deegaanka Boorama ayaa dhaliilay guddiga ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiillada. Kuwaasoo doraad booqasho hawleed ku tagay Magaalada Boorama.

Xildhibaankan ayaa ku eedeeyay guddigan xog-waraysiyo ay la yeesheen golaha uu ku jiro ee deegaanka Boorama oo uu ku tilmaamay kuwo dhinac ahaa.

Xildhibaan Xassan Muxumed Cumar oo loo yaqaan (Bisle)  oo war ku saabsan guddigaasi saxaafadda siiyey ayaa sidoo kale dhaliilay wakhtiga ay xog-waraysiga ugu yimaaddeen golaha, iyadoo uu shaqo kaga maqan-yahay guddoomiyihii Golahaasi, loona baahnaa inay la sugaan imaatinkiisa.

SomlegalAds

Xildhibaan Bisle oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Guddiga ilaalinta hantida qaranka ee  booqashada hawleed ku yimi Boorama waxay naga mudanyihiin ixtiraam iyo inaan ku qaddarinno hawshooda. Intaa kaddib gudigani haddii ay ku socdaan waddo sax ah oo caddaalad ah waxay hawshooda la sugi lahaayeen guddoomiyihii Golaha deegaanka oo hawl qaran debedda ugu maqan, mana ahayn inay guddigu dhegeystaan ama xogwaraysteaan kooxdii golahan ka abuurtay qalalaasaha  iyo khilaafka, mana ay xogwaraysteen kuwo xisbiyadii ay ka soo baxeen jeebka ku sita qaar ka mid ah guddigaasina gaar ula shira, si wada jir ahna ay u dhaliilayeen xukuumadda iyo madaxweynaha. Waxaan leenahay, warbixin kasta oo ay ka soo saaraan xogwaraysigaasi ma noqonayo mid dhexdhexaadnimo ku dhisan ee dhinac ayuu noqonayaa, sidaa darteed waxaan leeyahay odayaashaasi dib ha iskugu noqdaan  xogwaraysigoodana si hufan oo loo dhanyahay golaha ha uga qaadaan”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.