WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, April 26, 2018, (Saxafi) – Guddoomiyaha cusub ee uu dhawaan madaxweynuhu u magacaabay guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Nuux Maxamed xuseen  iyo xubnaha guddigaasi ayaa  shalay  xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore iyo xubnaha  guddigaasi.

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay hoolka shirarka  ee hay’adda shaqaalaha dawladda magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay   wasiirro,  masuuliyiin isugu jiray xildhibaano, ka kala tirsan golaha Wakiiladda iyo golaha degaanka Burco  iyo marti sharaf kale.

SomlegalAds

Guddoomiyaha hore ee guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Shariif Abokor Dhuux Yare, Ka hadlay xafladda uu xilka ku wareejinayay ayaa  ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu   jagadaasi hayay.

 Isagoo  xusay in uu si niyad sami ah xilka ugu wareejinayo guddoomiyaha cusub iyo xubnaha kale ee guddiga qandaraasyadda ee madaxweynuhu soo magacaabay. Waxaanu  yidhi “Guddoomiyaha cusub ee uu madaxweynuhu soo  magacaabay  iyo xubnaha kale ee guddiga qandaraasyadda, waanu soo dhawaynaynaa.

 Si wanaagsan ayaananu xilkii aanu haynay iyo wixii   naga khuseeyaba aanu ugu wareejinaynaa. Xil ka qaadistu waa sunnaha dawladnimadda, mana jiro qof shaqadda isagu iska leh”.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen,  ayaa  balan qaaday in uu xilka u gudan doonno si daacad ah, isla markaana ay dhamaanba bulshadu u sinaan doonto.  

“Waxaan  u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo xilka ii magacaabay. Madaxweynaha iyo bulshadaba waxaan u balan qaadayaa in aan si cadaalad ah xilka u gudan doono, aniga iyo xubnaha kale ee guddiduba.

Waxaanan balan qaadayaa in aanan nin jeclaysi ku shaqayn doonin, oo loo sinaan doonno mashaariicda dalkoo dhan min Bari iyo Galbeed”.

Waxaanu intaas ku raaciyay “Waxa kaloo aan u mahad celinayaa guddoomiyihii hore ee guddiga qandaraasyadda qaranka Shariif Abokor Dhuux Yare,  oo si niyad samiya ii soo dhaweeyay, xilka-na iigu wareejiyay” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Xirsi, oo xafladaasi ka hadashay ayaa guddoomiyihii hore ku amaantay  sidii wanaagsanayd ee uu shaqadda u soo gutay, kuna tilmaantay nin waayo arag ah aqoon yahana ah.

Waxaanay sheegtay  in uu si niyad samiya ku wareejiyay xilka, isla markaana uu og soon yahay in xilka qaranku meerto yahay, wax cadho ama colaad ahna aanu ka qabin  xil ka qaadistiisa.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka mida golaha degaanka Burco oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ku tilmaamay  guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda  qaranka masuul ka soo bixi kara shaqadaasi.

Waxaanu yidhi “Markii hore heer gobol iyo heer degmo ayuu ahaa, laakiin imika heer  qaran ayuu noqday guddoomiyaha cusub. Waan uga mahad naqaynaa madaxweynaha  xilkaa uu u magacaabay Nuux Maxamed Xuseen.

Dhinaca kale dhamaanba masuuliyiintii  kale ee xafladaasi xil wareejinta hadalka ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda xilka cusub ee loo dhiibay.  Waxaanay  ka markhaati kaceen in uu yahay nin shaqadaasi ku haboon.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa   xilalka u kala wareejisay   guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka uu dhawaan madaxweynuhu u soo magacaabay Nuux Maxamed Xuseen iyo guddoomiyaha hore.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.