WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 19, 2015 (Saxafi) – Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise, ayaa ka hadlay qaabkii foosha xumaa ee Ciidanka Liyuu booliska Kililka shanaad ula dhaqmay weftigii xukuumadda ka tirsana ee ka qaybgalayey aaska Marxuum Cawke ee Tog Wajaalle.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiinne oo sharaxaya sababta keentay nidaamdaradadasi waxa uu yidhi.“Waxa wax laga xumaado ah in warbaahinta Somaliland ay qaarkood faafinayaan warar aan faa’iido laga gaadhayn wax xiiso iyo qiimo ahna aan u lahayn shacabka reer Somaliland iyo Dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia, taasi oo ay sawir khaldan ka bixinayaan dhacdo shalay,(doraad) ka dhacday xabaashii Marxuum Axmed Xassan Cawke oo hayd sidan. Waxa kolkii laga soo baxay salaadii jinaasada u soo dhaqaaqay dhinaca xabaasha oo uu markaa nagu soo gaadhay madaxweynahaa DDIS Cabdi Maxamed Cumar, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay amaanka adkeeyaan, waxoogaa kadib ayaa waxa dhankii salaadii jinaasada ka yimid Madaxweyne xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo Gudoomiyaha xisbul-xaakimka Md Muuse Biixi oo ay daba iyo hareeraha ka socdeen kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo ay ciidamada amniga oon aqoon u lahayn si wada jira u joojiyeen madaxdii Somaliland iyo dadweynihii mawjadaha ahaa ee hareera iyo daba socday, waxaana ay keentay in masuuliyiinta reer Somaliland oo danaynaya amaanka ay u dhaqaaqaan dhinaca gaadiidkooda una tallaabaan dhinaca Somaliland.

Mustafe-ShiineMarkii warkaasi na soo gaadhay waxa aniga iyo Wasiirka Cadaalada JSL aanu gaadhsiinay Madaxweynaha DDIS, kaasi oo runtii aad uga xumaaday goobtiina ku canaantay masuuliyiintii uu u xilsaaray protocolka aaska iyo soo dhawaynta madaxda Somaliland, waxana uu iga codsaday in aan arrinka dhex-galo oon ka daba tago masuuliyiinta Somaliland, iyadoo uu I siiyay gaadhigiisii gaarka ahaa oo isaguna isku dayay inuu I soo raaco, balse boqolaal gaadhi oo dhinaca Somaliland u soo talaabayay ay na xanibeen, aakhirkiina waxa aniga, wasiirka Cadaalada SL iyo raxan wasiiro ah oo DDIS ka tirsan noo suuro gashay in aan Madaxweyne xigeenka JSL iyo Gudoomiye Muuse Biixi aanu ka qancino inay na raacaan, taasi oo aanu kulan isugu keenay Masuuliyiinta Somaliland iyo Madaxweynaha DDIS, halkaasi oo uu Madaxweyne Cabdi .Maxamuud Cumar ka raali geliyay Madaxweyne xigeenka JSL iyo gudmooyiha xisbilxaakimka dhacdadaasi, iyadoo ay Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in wax cadho la yidhaahdaa aanay jirin, balse farsamo dhinaca amniga ah maadaama ay kumanaan qof daba socdeen uga soo tallaabeen xadka, halkaasi oo masuuliyiinta Somaliland uga mahadnaqeen sida dareenka leh ee uu Mdaxweyne Cabdi Muxumed uga hawlgalay arrinta islamarkaasina uu ugu dhabar adaygay inaanu noqon isagoo la kulma madaxda Somaliland mooyee.

SomlegalAds

Haddaba waxa taasi oo jirta danta labada dalna ay ku jirto xidhiidh ka, Wanaagsan ee.dhawaan dib u curtay shirkii Dirirdawe aanu kula soo yeelanay masuuliyiinta DDIS iyo kuwa Federalka Ethiopia, ayaa qaar aan qiimaynayn waxa dhaawac uu keeni karo warkoodu ay u dhigeen in la quydhsaday madaxdeena, halka kuwa quudhsiga iyo bahdilka keenayaa ay tahay kuwa sidaa wax u turjumaya”.

Waxa uu saxaafada ku dhaliilay in arrintaasi ay buun buuniyeen, isla markaana ay ceeb ku tahay xidhiidhka labada dal ee jaarka ah, waxaanu yidhi “Waxaan saaxiibadayda saxaafada ka codsanayaa inay warkaasi saxaan nala ilaaliyaan xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac ka curtay, kaasi oo sababy in kooxihii nabada diidanaa ay arrintoodii soo afjaranto.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.