WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 10, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in ay xisbi ahaan Madaxweynaha kula xisaabtamayaan qorshihii xisbigu ku galay ololihii doorashada ee uu ku guulaystay.

Jaamac Shabeel waxaa uu tilmaamay in Madaxweynuhu xulashadiisa xor u yahay, balse ay iyaggu doonayaan inuu fulliyo balanqaadyaddii xisbigu u qaaday bulshadda. “Madaxweynaha ayaanu Xisbi ahaan la Xisaabtamaynaa, Dadka uu magacaabay nama Khuseeyaan oo Barnaamij ayaanu u dhiibnay isaga kii ayaanu ka rabnaa fulintiisii in uu isagu fuliyo, hadii uu suuqa ka soo urursanayo iyo hadii uu Xisbiga ka qaadanayo iyo hadii uu dayaxa ka keenaayaba isaga ayey u taala dadka uu xilalka u magacaabay” Sidaa waxa yidhi Guddoomiiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Garya: Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Laakiin anagu Xisbi ahaan waxaanu naqaana wixii aanu umadda u balanqaadnay ee loo balanqaaday ee uu fagaare walba (Muuse) uu ka yidhi in uu wixii fuliyo waa intaas, iyaga kuwa uu xilalka u magacaabay nama khuseeyaan maanaga ayaa garanaynaba 90% ayaanaan garaneynin anagu isaga ayuum baanu garanaynaa, waa nimanka wasiiradda ah wajiyadooda ayaanaan xitaa Xisbi ahaan garaneynin iska da Xisbinimo oo badidooda” Ayuu Jaamac Shabeel oo maanta Hargeysa Bulsho-tv Waraysi ku siinaayey ku sii daray.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.