WorldRemitAds
“Wixii dhibaato ah ee ka taag taagan inay galaan Bay u fadhiyaan xildhibaanaddu, anaguna ma aragnee hanoo saadaalinina, Haddii aan anigu daalay waa layga fadhiisin” Guddoomiyaha Guurtidda
Hargeysa, Somaliland, December 6, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay khilaafyada ka dhex curtay qaar ka mid ah xisbiyada qaranka.

Gudoomiye Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha guurtida oo wax laga waydiiyey khilaafkii kulmiye ka dhex qarxay ayaa sheegay in arrintaasi la soo afjaray, isla markaana aanay mudnayn in wax la iska waydiiyo khilaaf soo afjarmay, inkastoo wali siyaasiyiin badani dibad wareeg ka yihiin xisbiga kulmiye kuwaas oo ku dooday in xisbiga doorasho cadaalad ahayni ka dhicin.
Saleebaan Gaal, Guddoomiyaha Golaha Guurtida“Waaryaadha waa nimanka (Saxaafada) waar waxan aad walaaqaysaan iska daaya, waxaad aniga iigu soo celisaan waa gardaro, xisbigiina (KULMIYE) wax ayuu doortay oo musharaxiin ayuu doortay, waxa kale oo aan ka odhanayaa ma jirto,” ayuu Saleebaan kaga jawaabay su’aal laga waydiiyey khilaafkii Kulmiye.
Sidoo kale gudoomiye Saleebaan ayaa ka hadlay khilaafyada hadyo jeer        ka dhex dhaca xisbiyada waxaanu yidhi “Haddii aanay is qabsan maxay asxaab ka yihiin mar hadii hilbo la qaybsanayo oo wax la qaybsanayo ragu inuu isku qabqabsadaa waa wax dhaca mar walba, maantana wax lays hays haysto oo dalka wax u dhimaya anigu ma arko, wax dalka dhaawacaya ma hayo idinkuna ka hadha.”
Sidoo kale, Gudoomiye Saleebaan oo ka jawaabaya dhaliilo soo jeediyo mudanayaasha guurtida oo la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xiliga uu ka tagayo kursiga gudoomiyaha guurtida ayaa waxa uu yidhi “Xildhibaanadu waxay meesha u fadhiyaan waa inay bulshada Somaliland dhexdeeda  iyo dawlada Somaliland dhexdeeda wixii dhibaato ah ee ka taag taagan inay galaan, anaguna ma aragnee hanoo saadaalinina, Haddii aan anigu daalay waa layga fadhiisin haddii aan garan waayay.” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyaha Guurtida Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan ayaa inta badan hawlo caafimaad dibadda ugu maqan, iyadoo ay yar tahay inta uu dalka gudihiisa jooga, waxaana baryahan dambe golaha Guurtidda lagu eedeeyaa inay ka gaabisay dhex dhexaadintii iyo nabadeyntii oo xukuumaddu aanay waxba ka waydiin arrimaha nabadgalyada ee ay qaranka u qaabilsan yihiin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.