WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 11, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Imaan ayaa shaaca ka qaaday in la xalliyey caqabadaha dhaqaale ee hor taagnaa in la qabto hawlaha doorashooyinku.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka ayaa xusey in ay heleen adeega isku xidha isgaadhsiinta shaqaalaha iyo shaqada Koomishanka, waxanu hoosta ka xariiqay dhawr arrimood, kuwaaso uu xuseyn inay door ku leedahay saxaafaddu arrimaha wax u dhimaya diiwaan-gelinta Cod bixiyaha. Haddaba qoraal uu shalay si rasmi ah u shaaciyey Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Imaan ayaa u dhignaa sidan. “Sidaad la socotaan, waxaanu mudaba ku soo guda jirnay hawshii diiwangelinta codbixiyayaasha oo ah shaqo aad u baaxad weyn dal yar oo sideena oo kale ah ay ku noqon karto culays dhaqaale iyo mid farsamaba. Hasa yeeshee hadii aynu ilaahay la kaashano, gacmahana is qabsano waa mid aynu ka bixi karno.
DoorashooyinkuNidaamka doorashooyinka iyo diiwaangelintu caalamka oo dhan marka la eegayo ma aha mid ay ka maqan yihiin caqabado.
Sidaad la socoteen caqabadaha waxa ugu weyn oo in dhawaaleba aad maqalayseen inay jirtay mid dhaqaale. Waxaan maanta halkan idiinku cadaynaynaa caqabadahaas dhaqaale in maanta intii ugu badnayana la xaliyay oo laga gudbay.
Hasa yeeshee, loo baahan yahay in hawshan baaxada leh loo galo si qaranku guud ahaan isu barbar taago loona sameeyo gunti giijis dhaqaale; si waxa yar ee aynu haysana inuugu filnaada una gaadhno ujeedadeena.
Guud ahaana waxaan ka codsanaynaa madaxda qaranka, haday tahay xisbiyada, dawladda iyo shicibkana inay kaalintooda ka soo baxaan si aynu u suuro gelino qabsoomida diiwaangelin, hufan, xor, xalaal ah oo noqotana taabo gal
Sidaan horaba indiinku sheegay hada waxaanu guda galnaya diyaargarowga Diiwangelintii Gobolka Koobad oo sidaad ogtihiin ah Gobolka Togdheer, Waxa ilaahay mahadi ah inay noo suro gashay inaanu soo dhamaystirno dhamaan qalabkii iyo agabkii lagaga hawlgeli lahaa diiwaangelinta. Waxa kale oo aanu dhamaystirnaya heshiisyadii Gaadiidka ka hawlgeli lahaa diiwaangelinta
Isgadhsiintii Goobaha Diiwaangelinta (oo noqon doonta nidaam ku shaqeeya Online am Internet oo qof kasta markiiba qabanaysa hadu isku dayo inu ku noqdo, taas oo hore loo tijaabiyay kana qayb galeen Xisbiyada, Ururada bushada iyo dadweyne badaniba, noqtayna mid lagu guulaystay)
Iminka waxaanu gacanta ku haynaa shaqaalihii ka hawlgeli laha Goobaha diiwaangelinta oo imtaxaan laga qaadi doono si loo hubiyo inay aqoontii iyo xirfadi looga baahna leeyihiin hadhwona waxa la siin doona tababar , arintaas oo aanu la kaashanayno Jaamacadaha Dawliga ah
Mararka qaar way jiraan dad si gaar ah wax u doonaayay ay oo waxay rabeen wayay inay si khaladan wax u sheegan taas oo laaqin ku ah qaranka.
Sidoo kale waxa dhacda In inayar oo kamid ah saxaafadu ay tuushush ku furaan diiwaangelinta
Waxa ilaahay mahadii ah in sanad kadib iyagoo KDQ ku hawlgalaayay gadiid kiro ah inay hada soo gaadheen gadiidk KDQ oo ah kuwo qaranku leeyahay looguna talo galay inay ka hawlgalaan diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.
Lacagta Gadiidka lagu soo iubiyayna waa lacag ka soo xarootay gadiidkii KDQ hore u lahaa oo la iibiyay iyo lacag uu ku kabay Madaxwyenaha Jamhuuriyada Somaliland
Waxaana waxa laga naxo ah in la sheego in KDQ Dayn lagu leeyahay, maxaa lagu yeeshay shaqadiiba may bilaabmine.
Anakoo dhawaan soo dayn doona Waxqabadkii Koomishanka Doorashooyinka oo intan ka faahfaahsan insha allah
Waxaan jelaan lahaa ;- Inaan ka codsado dhmaan Xukumada, Golayaasha Qaranka, Xisbiyada, Bulshada, Culimada, Aqoonyahanka, Dhalinyarta, Haweenka iyo Bahada cadaaladaba in loo bahan yahay in gacan buuxda lagu siiyo shaqadood dhamaan hawlawadeenada KDQ ee Heer Qaran, Gobol, Degmo iyo Goobeedba, si ay u gutaan waajibadkooda qaran lagana ilaaliyao waxa kasta oo ku keeni kara hagardaamo hawshan qaran ee ay gacanta ku hayaan.
Waxaaan u mahad naqayana wada shaqaynta fiican ee naga dhaxaysa, Xukuumada, Xibsiyada, Ururada Bulshada, Saxaafadda, iyo Beesha Caalamkaba”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.