WorldRemitAds

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu kormeeray oo cusbitaalka guud ee Burco oo bukaanka jiifa uu ugu deeqay 50 neef oo adhi ah

Burco, Somaliland, December 28, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si waafi ah u hogo-tusaaleeyey faa’iidada ku jirta isku tashiga iyo naf-hurka loo baahan yahay in shacabka reer Somaliland sameeyaan si xaaladda adag ee abaareed looga saaro dadka ay waxyeelaysay ee ku sugan gobollada abaarta darani ka jirto.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi socdaal ku joogaan Gobolka Togdheer, ayaa hadal uu ka jeediyey madal lagaga hadlayey xaaladda abaarta oo ka dhacday magaalada Burco shalay, halkaas oo uu guddiga abaaraha ee gobolkaasi ku wareejiyey lacag dhan $40,000 (afartan kun oo dollar) oo qayb ka noqda gurmadka abaarta, waxa uu soo jeediyey in dadka ku nool magaalooyinka dalku hoos u dhigaan dhaqaalaha kaga baxa faakihaysiga oo ay u beddelaan gurmad lagu badbaadiyo nafaha dadka reer miyiga ah ee xoolihii ay manaafacaadsanayeen kaga baxayaan abaarta adag ee taagan.

SomlegalAds

Ugu horreyn, Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay sida qaabka nolosha reer Somaliland isugu xidhan tahay, waxaannu yidhi, “Waxaynu u baahannay in aynu dhammaanteen isku tashanno oo aynu yeelano naf-qaybsi, shacab, ganacsato, dawlad iyo qof-qofba, abaarahaas maanta dadkeena reer-guuraaga ah dhibaatada ku haya haddii aynu reer-magaalka nahay in badan baynu ka qaban karnaa, haddii aynu reer-magaalka nahayna cidda aynu ku noolahay ee wax inoo tacabtaa waa reer-miyiga, Xoolaha nool iyo Beeraha ayaa inoo dhaqaale ah oo labadaba miyigaa tabca, magaaladuna waa caydh isku soo ururtay oo ku nool Miyiga, markaa haddii Miyigii jabo oo xoolihii dhintaan oo beerihii baaba’aan oo dadkii xoogga ahaa ee inoo tabcayey baaba’aan innaguna waxaynu noqonaynaa xero weyn oo caydh ah oo isku soo ururtay, dadka magaalada joogaa waa inay sidaas u fahmaan.”

Waxa kaloo uu farta ku fiiqay siyaabaha dadka ku nool magaalooyinku ugu gurman karaan dadka walaalahooda ah ee jilicsan ee abaartu dhibaataysay, “Dadka magaalooyinka joogaa way badan yihiin, Burco haddii aynu qiyaasno dadka maalintii joogaa waxan qabaa kharash badan oo aan qofna culays ku ahayn oo aynu wax ku badbaadino ayeynu helaynaa, Hargeysa-na way ka sii dad badan tahay, magaalooyinka kalena sidaas oo kale, tusaale ahaan sannadkii ina dhaafay Somaliland marka aynu nahay waxaynu Jaad ku cunay $600,000,000 (lix boqol oo milyan oo dollar), intaasina waa inta cashuurta martay ee la hubo, in badan oo kalena waa suurtogal inaanay cashuurta marin, intaasi abaaraha way innaga saari lahayd, haddii aynu caqli keeno oo ragga qaadkaas cunayaa ay saddex meeloodow meel yareeyaan oo lacagtaan aynu u duno inaynu dadkeena ku gargaarno baryo badanba umaynaan baahaneen.

Sidoo kale, haddii aynu magaalada nahayn faakihaysi iyo kharashaad kale oo badan oo intaas dheer baa jira qofka magaalada joogaana waa inuu dareemaa faakihaysiga maanta oo kale inuu yareeyo oo la dhimo oo loo duwo xagga gurmadka, meelo badanna dadka waynu ku caawin karnaa oo ilaahay xoolo waa ina siiyey oo tujaar badan baynu leenahay oo qof waliba intiisa waa ku taajir, inanka dhallinyarada ahina wuu xarragoodaa oo maalin walba kharashka uu nadaafadiisa geliyo ayaa biyo gaadhi lahaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maayarka degmada Burco iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa kormeeray cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo lagu dawanayo dad ka mid ah reer Miyiga abaarta daran ee ka jirta gobollada bari oo saamayn xaalado caafimaad-darro kala duwan ay ku yeelatay.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu indho-indheeyey bukaanka saamaynta abaarta loo dhigay cusbitaalka Burco oo u badan dumar iyo carruur nafaqo-darro ku dhacday iyo daryeelka lagu tacaalayo ee ay heleen, waxaannu weftigu warbixinno ka dhegaystay maamulka guud ee cusbitaalka iyo dhakhaatiirta ka hawlgasha ee gacanta ku haysa la-tacaalidda bukaankan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu deeqay Cusbitaalka Guud ee Burco 50 neef oo adhi ah si loogu qalo dadka xannuunsanaya ee cusbitaalka jiifa, taas oo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee KULMIYE Md. Xasan Cabdillaahi Axmed oo ka wakiil ahaa murrashaxa xisbiga uu taakuladaas  xoolaha ah ku wareejiyey maamulka cusbitaalka Burco.

Xaaladda abaareed ee ka jira gobollada bari ee Somaliland, ayaa saamayn xooggan ku yeelatay dadka iyo xoolaha nool, iyadoo in badan oo xoolihii la dhaqanayey dhinteen, halka dadkuna ku sugan yihiin xaalad adag waqtigan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.