WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 16, 2015 (Saxafi) – Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye islamarkaana ah musharaxa madaxwaynaha ee Xisbigaasi, ayaa erggo u diray murashaxiin qaadacay shirkii golaha dhexe ee lagu doortay 10-kii bishan.

In kasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyadda arrintani khusayso haddana, tibaaxaha la hellay waxa ay muujinayaan in guddoomiye Muuse ergo culus oo khilaafka kala irdheeyay Xisbigiisa ka odayaysa u diray xubnahan oo iyagu marar badan oo kalla duwan ku celceliyay in qaab af duub ah shirka golaha dhexe ee Xisbiga loo maamulay. Xogaha la helay waxaa ay tilmaameen in Murashax Muuse Biixi doonayo in khilaaf kasta oo ka dhashay damacyaddii shirka waqtigan la isku soo noqdo oo waliba loo tanaasullo oo ay taageeraan xubnaha kale ee qaadacay shirka golaha dhexe.

Isbahaysiga iyo Muuse BiixiWarku waxa uu intaas ku daray in ergadan oo isugu jirta odaal dhaqan iyo Ganacsato ay durba gudda galeen, islamarkaana xalay lafteedda loo balan sanaa kullan la doonayay inuu ka dhaco gurriga Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah murashaxiinta qaadacay shirkaas, sidaas oo ay tahay warku ma sheegin in kullankaasi la isugu yimid iyo waxaa lagu wadda hadlay midna. Iyaddoo dhinaca kale shalay lafteedda is bahaysiga murashaxiintu ay qabsadeen kullan gaar ah oo albaaddu u xidhan yihiin.

SomlegalAds

“Guddoomiye Farriintiisu waxaa weeye, raggayga waxba ma kala ihine, midkaayo uunbaa la dooran lahaaye ha I taageeraan oo saaxiibadday ha’ila shaqeeyaan yaan xisbigu sii kala foggaane, waxaa ay ka yeeli doonaana iyagga ayay u taal. Maadaama oo ay wax badan tirsanayaan iyo in loo joojin waayay xataa maalin kali ah shirkii ay dalbadeen in dib loo riixo” Sidaasna waxaa yidhi mid ka mid ah dadka hawshan u dhuundaloola.

Si kastaba ha ahaatee, natiijadda dhexdhexaadintan ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo baxdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.