WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 31, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu wanqalay degmada cusub ee Balli Mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex maanta, taas oo ka mid ah degmooyin cusub oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Xafladda oo ka dhacday magaalada Balli Mataan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen guud ahaan madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, wasiirro, siyaasiyiin muxaafad iyo mucaaradba isugu jira, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan, waxgarad, haween iyo dhallinyaro fara badan, halkaas oo loogu fooladeeyey degmada cusub.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladdaasi, ayaa ka hadlay degmada Balli Mataan iyo waxyaabaha ay caanka ku tahay, ujeeddada Somaliland u samaysatay axsaabta, murrashaxa raba inuu hoggaamiyo Somaliland iyo shirribaadda hortaal. Waxa kaloo uu halkaasi kaga dhawaaqay qaadhaan uu xisbigu kaga qaybqaatay dhismaha iyo aasaaska horumarka degmada Balli Mataan oo madasha lacag loogu ururiyey.

SomlegalAds

Khudbaddii Guddoomiyaha oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan;

Xafladda Wanqasha degmada

“Xafladdan wanshaqa degmada Balli Mataan waanu soo dhawaynaynaa, labada magaalo ee Balli Mataan iyo Higlada bal abuurta Ilaahay waxa ka yimi dhakhaatiirta ugu badan, markaa degmo waliba wax bay hiddo u yeelataaye Balli Mataan waxay hiddo u leedahay dhakhaatiirta, hadday degmo noqotay waxay inoo soo saari doontaa dhakhaatiir kale oo badan Insha Allaah.

Xafladda oo dad badani isugu yimi oo kaftan badan iyo duur-xul siyaasadeed ka dhacay, waa madal aad u qurux badan, nin waliba halkan wax buu ku faanay… horta waxa la yidhi ragga ayaa ugu fiican, yaa ugu fariidsan, maanta saddexda xisbi yaa ugu fariidsan, halkan yaa ugu cawaandisan? Kolba waa ninka abtiyaashii dhex jooga.”

Muhiimadda loo samaystay axsaabta siyaasadda

Waxaynu ku jirnaa waa siyaasad, ololihii baana iska socda, xisbiguna haku tartamo barnaamij, labada walaalaha ahina haddii ay laba xisbi kala galaan waa waxa aynu xisbiyada u dhisanay, xisbiyadana waxa aynu u dhisanay waa inaynu qabyaaladda kaga korno oo aynu ummadda midayn ballaadhan uu kala dhex dhigno bari iyo galbeedba, waa in aanay innaga noqon xisbiyadu qaar qabiil iyo gobol yar ku eeg ee ay noqdaan qaar dadka isku xidha. Xisbiga iyo murrashaxuna waa inay la yimaaadaan barnaamij cad oo waxay qabanayaan ah, ninka murrshaxa ah waan in dalku yaqaanaa hore muxuu u galay, berrina muxuu qabanayaa. Markaa waxaynu leenahay xisbiyada waxaynu ku galaynaa barmaamij ah maxaad dalka u qabanaysaa, maxaad u tartay, awooddaadu maxay tahay?

Sifooyinka laga rabo cidda rabta inay ummadda hoggaamiso

“Qofka umadda hor yimaaddaa muraayaddii umadduu hortaagan yahay, qof kastoo isa soo sharraxaana in badan oo dhaliil ahna wuu yeelanayaa, in badan oo ammaan ahna wuu yeelanayaa ee labada waa inuu isku mid u qaataa oo haddii dhaliisha la sheego aannu guban, haddii sacabka loo tumana aanu heesin.”

“Hoggaamiyaha waa la shiillayaa, ninka halkan iskeenaa waa inuu oggolaado dabka in la saaro oo la karkariyo oo umadda inuu u cuntamayo iyo in kale la eegaa.”

Waxtarka xisbigu kaga qaybgalayo Degmada Balli Mataan

“Halkan KULMIYE wuxuu u fadhiyaa xukuumad iyo xisbi, xukuumadda lagama rabo inay halkan kaga dhawaaqaan intaas ayaanu bixinaynaa ee waxa laga doonayaa barnaamijyo waaweyn oo ay degmada ka hirgeliyaan oo adeegyada aasaasiga ah oo aynu ku dabagalaynaa wasiirrada. KULMIYE, anigu  magaalada Balli Mataan waxaan ugu deeqayaa $10,000 (toban kun oo dollar).”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.