WorldRemitAds
“Waa waajib in labada Xibsi goobta (Diiwaangelinta) joogaan, Xisbiga ka habsaamay isaga ayaa eedda leh”
Hargeysa, Somaliland, February 21, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Bixii Cabdi ayaa ka hadlay, ajandaha uu daraana safarkii ay ku tageen gobolka Awdal iyo deegaanada hoos yimaada.

 Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ka jawaabay Khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay isaga iyo madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici iyo waliba arragtidiisa ku waajahan madax dhaqmeed loo xidhxidhay Weerar lagu qaaday goob diiwaan gelineed.
Ugu horeyn isaga oo ka hadlaya deegaanadda Gobolka Awdal ee ay hawsha diiwaan gelinta u tageen waxaa uu yidhi. “Dadweynaha waan boggaadinaynaa sida ay isu abaabuleen, Komishankana waanu boggaadinaynaa, Wixii caqabado diiwaangelinta ka soo baxay ee laga baran karana waan ka baranaynaa. Waxaan qabaa in 90% uu guul ku dhamaaday. ”
Guddoomiyaha Kulmiye mar la weydiiyay eedaymo Guddoomiyaha UCID ugu jeediyay inay olole aan waqtigiisii gaadhin bilaabeen, waxaa uu yidhi. “Waxay illa tahay waa waajib in labada Xibsi goobta joogaan, Xisbiga ka hamsaamay isaga ayaa eeda leh. Ninka doorasho doonayaa waa inuu diiwaangelinta abaabulaa, waa inuu Komishanka Garab siiyaa. . . . Xisbiga intaas gutay wuu ku amaananyahay ka ka maqnaadayna isaga ayay jirtaa. ”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna murashaxa Xisbigaasi ee doorashadda madaxtooyadu, Mar uu ka hadlayay weerar dhawaan lagu qaaday goob ka mid ah xarumihii diiwaangelinta ee Awdal Iyo Selel, waxaa uu yidhi. “Uma aragno arrin yar oo iska dhacdaye marka hore waa danbi qaran. Waxaan u aragnaa inay tahay tu lagaga hortagayay doorashada in aan dalka doorashadiisa iyo dimuquraadiyadiisu hirgelin ayaa looga dan lahaa. Cida falka geystay waa cid sidata magacyo dhaqan oo Ilaa Suldaan gaadhsiisan, Suldaan nabada ka shaqeeya oo dadka isku jiida ayaynu arki jiraye waa inoo kow suldaan Qori ku weerara meel qaran oo haddana magaca suldaan sheeganaya, taasina waa tu aan la qaadan karrin, meel ka dhac ayay ku tahay dadka dhaqanka ee darajooyinkaas leh, qarankiina waa nin danbiile ah, danbi qaran ayuu faraha kula jiraa oo umaddii dhamayd iyo hawleheedii ka hor yimid, khalkhal ayuu umaddii galiyay. Markaa waxaa ay ila tahay iyagu weli waa eedaysanayaal waxaa gacanta ku haya hay’adaha nabadgelyada iyo Booliska, waxaa ay ila tahay in danbigooda la baadhayo maxkamada la hor geynayo wixii ay mutaystaana lagu qaadayo. ”
Sidoo kale, waxaa la weydiiyay khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo madaxweyne ku xigeenka, waxaana uu yidhi. “Waa ii hadalkaagaa, waa sheegaa ma dhaafto, ma hayno annagu warkaas, Madaxweyne ku xigeenka immikaaban ka imid oo aanu hawl-wada lahayn, anagu warkaas maanaan maqal Warbaahintiina waad keentay dee addeer bal soo cadee halka ay wax ka dheceen. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.