WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 22, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Olgan Bekar, oo dalka socdaal ku yimid.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)kulankan oo ka dhacay Xafiiska Safaaradda Turkigu ku leedahay magaalada Hargeysa, ayay laba dhinac kaga wada-hadleen qodob ay ugu muhiimsanayd mashaariic horumarineed oo ay dawladda Turkigu kala shaqayn karto Somaliland iyo wada-hadaladii Turkigu marti-gelin jiray ee u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia, oo ay Madaxda xisbiga KULMIYE u sheegeen in loo baahan yahay in wax laga bedelo maadaama qaabkii hore ee wada-hadaladaasi midho-dhal noqon waayeen.

War-saxaafadeedka uu kulankan ka soo saaray Afhayeenka xisbiga KULMIYE, ayaa u dhignaa sidan:

SomlegalAds

“Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kulan la yeeshay Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Olgan Bekar oo uu wehelinayey Qunsulka u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mr Muzaffer Yuksel.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay weheliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) waxay kulanka Safiirka oo ka dhacay xafiiska Safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta[shalay] ay kaga wadahadleen qodobo la xidhiidha danaha labada dal iyo arrimo u gaar ah Somaliland.

Madaxda xisbiga KULMIYE iyo Safiirka Turkigu waxay iska waraysteen xaaladda abaarta ka taagan Somaliland, waxaannu Guddoomiyuhu isagoo mahadceliyey wixii taakulo hore ay uga gaysteen uu ka codsaday dawladda Turkiga inay caawimo ka gaysato gurmadka abaarta ee socda.

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland waxa kaloo uu Turkiga ku dhiirrigeliyey inay kala shaqeeyaan Somaliland sidii ay farsamo ahaan iyo mashaariic horumarineedba uga gaashaaman lahayd abaaraha soo noqnoqonaya sida qabashada biyaha soconaya iyo kor-u-qaadida xannaanaynta xoolaha nool. Waxaannu Guddoomiyuhu u iftiimiyey dublamaasiyiintan sida aannu Turkigu doorkii looga baahnaa uga qaadan arrimaha khuseeya horumarka iyo dhanka siyaasadda ee Somaliland.

Waxa kaloo labada dhinac iska waraysteen doorashooyinka Somaliland, waxaanna masuuliyiinta xisbal-xaakimka Somaliland u sheegeen in doorashada Madaxtooyadu ku dhacayso xilligeeda 28 March 2017, isla markaana wixii dhaqaale ah loo baahnaa diyaar yahay.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda wehelinaysay waxay kala hadleen Safiirka wadahadallada Turkigu marti-galiyo ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxaanay u sheegeen in aannu qaabkii hore ee dawladda Turkigu ugu jiray noqon mid midho-dhal ah, sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga wadahadlo hannaan kale oo keeni kara faa’iido laga gaadho.

Dhankiisa Safiirka Turkiga Mr. Olgan Bekar waxa uu sheegay in dawladdiisu u soo diri doonto Somaliland guddi khubaro dhanka farsamada ah oo qiimeeya xaaladda abaaraha iyo wixii mashaariic ah ee lagaga hortagi karo abaaraha. Waxa kaloo uu ballanqaaday inay kordhiyaan oo ka qaybgalayaan mashaariicda horumarineed ee Somaliland u baahan tahay.

15683343_10202847672829915_494675834_n-1Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo saraakiil kale ee xisbigu waxay qaabileen xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Sweden oo magaciisa la yidhaahdo Arche Hamednaca oo ay wehelinayeen muwaadiniin qurba-joog reer Somaliland oo ay ka mid yihiin madaxa guddiga ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden Maxamed Yuusuf iyo Safiirkii hore ee ee Somaliland u qaabilsanaa Sweden Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Kulan kooban oo madaxda KULMIYE kula qaateen xildhibaankan xafiiska xisbiga waxay kaga wadahadleen xaaladda guud ee Somaliland, ololaha ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii loo hirgelin lahaa dadaallo la jaanqaada shuruudaha iyo arrimaha ka midho-dhalin kara gaadhista aqoonsi buuxa oo Somaliland oo ka hesho beesha caalamka. Waxa kaloo la iska xaal-waraystay xaaladaha siyaasaddeed iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo madaxda KULMIYE ay xog-warran ka siiyeen xildhibaanka marxaladihii iyo xaaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray.

ALLAA MAHAD LEH”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.