WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 7, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda asal ahaan u dhalatay Somaliland ee haysata dhalashada dalka Uganda, isla markaana ganacsiga ballaadhan ku leh bariga Afrika Marwo Aamina Xirsi Mooge oo booqasho ku timi caasimadda Somaliland ee Hargeysa Jimcihii.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si diirran iyo dareen farxadeed ku soo dhaweeyey Marwo Aamina Xirsi Mooge oo iyada xubno wehelinayey booqasho ugu tageen xafiiska xisbiga KULMIYE galabta, waxaanna halkaasi ku dhexmaray kulan is xog-waraysi xaaladdaha dalka iyo booqashadeeda la xidhiidha.

Kulankaasi waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Marwo Aamina ku wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo xubno kale, iyadoo sidoo kalena si ballaadhan ay u qaabileen garabka haweenka KULMIYE oo iyaguna ku soo dhaweeyey hoolka shirarka ee xisbiga oo waqtigaasi uu uga socday shir ay lahaayeen.
Guddoomiye-ku-xigeeka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Guddoomiyaha iyo Marwo Aamina si fiican uga wadahadleen danaha Somaliland.
Axmed Cabdi-dheere oo faahfaahinaya kulankaasi iyo natiijadiisa waxa uu yidhi, “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi waxa uu si farxad leh u soo dhaweeyey haweenayda reer Somaliland ee ganacsiga ku leh dalka Uganda Marwo Aamina Xirsi, waxaannu uga mahadceliyey oo ku soo dhaweeyey safarka ay ku timi dalkeeda hooyo ee Somaliland, sidoo kalena waxa uu uga mahadnaqay booqashada ay ugu timi xafiiskiisa KULMIYE.”
“Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE u sheegay Marwo Aamina inay xisbi ahaan iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku faraxsan yihiin ganacsigeeda iyo heerka wanaagsan ee ay ka gaadhay oo ah buu yidhi ah mid magac iyo maamuusba u soo jiidaya sumcadda iyo kartida ummadda reer Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Dhankeeda, Marwo Aamina waxay si farxad leh uga mahadcelisay qaabilaadda iyo soodhawaynta ay kala kulantay xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan dalka Somaliland, iyadoo si gaar ah u xustay inay sharaf iyo qiimo wayn u tahay inay la kulanto Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.”
“Waxa kaloo Marwo Aamina tidhi ‘Somaliland aad baan uga helay si fiican baa la iigu soo dhaweeyey, waxaannan hubaa in aan ku soo noqonayo oo aan ka mid noqonayo dadka maalgashanaya Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Axmed Cabdi-dheere.
Sidoo kale, waxa Marwo Aamina Xirsi Mooge si wayn u qaabilay haweenka xisbiga KULMIYE oo la wadaagay farxadda ay ku dhex naaloonayso dalkeeda hooyo ee ay booqashada ku timi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.