WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 8, 2016 (Saxafi) –Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay in ujeedadda shirkan qaran uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira, isla markaana waxaa uu u soo jeediyay madaxweynaha inuu ku dhawaaqo.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay siyaasad la’aanta iyo talo la’aantu ay dalka meel xun ku sii wado, waxaana uu tusaale usoo qaatay  muranada ka taagan dalka sida lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa, xeerkii doorashooyinka wakiiladda iyo saami qaybsiga gobolada dalka oo illaa hadda aan la dhamaystirin, islamarkaana cid u maqan aan la garanayn.

Xasan Guure oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Baarlamaanku wuxuu fadhiyaa muddo 12 sanadood ah, guurtidu muddo ma leh, beri hore ayaan sheegay waa dhaxal. Baarlaamanku waa kuwaa dowladiina wakhtigii baa ka dhacay, waxa ay kari kari la’yihiin mudada 12-ka sanadood ah ee ay joogeen baarlamaanku shantii sanadood ee ugu horeysay in ay qabtaan bay ahayd.

SomlegalAds

Xeerkii lagu dooranayey iyo saami qaybsiga laga hadlayo in la qabto bay ahayd may qaban, shan sanadood oo dambe ayaa lagu kordhiyey si ay kaas uu sameeyaan may samayn, laba sanadood oo dambe ayaa lagu kordhiyey may samayn. Imikana waxa ay leeyihiin hala noo kordhiyo dee aanu nidhaahno ha iska fadhiyaan oo waa boqortooyo, maxaad kharashkeeda ku fali aanu sideeda u dayno. Dastuurkii sharciyaddii aanu dooranay iyo baarlamaankii aanu dooranay waxba way ka qaban waayeen  xiitaa xisbiyaddii saami qaybsi baa laga hadlay xisbiyaddii baa ka hadli kari waayey, xukuumaddii baa ka hadli kari waydey iyo wakiiladii ilaa intaas bay inoo  taalay miyey inoo oolaysaa. In laga wada hadlo miyeyna ahayn oo aanu nidhaa yaa noogu maqan hawshaas, kuraasta in umadda loogu shaqeeyo weeyaan maaha in lagu shaqeysto.”. ayuu yidhi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.