WorldRemitAds

Garsooraha Maxkamaddu Wuxuu Xisaabaadka Hay’ad Dawladeed U Xayiray Qof Sheeganaya Inuu Deyn Ku Lahaa Dawlada Hoose Wakhtigii Marxuum Cali Asad Maayarka Ahaa


  Wareegtadii Madaxweyne Cigaal Uu 1998-kii Ku Laalay Deymihii Ay Galeen Maayaradii Wakhtigaas Ka Horeeyay


Hargeysa, Somaliland, December 10, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa Isniintii toddobaadkan soo saaray amar xayiraadda uu kaga qaaday xisaabaadka ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku leedahay Baanka Dhexe ee Dawladda Somaliland, kadib markii uu hore xayiraad u soo saaray garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Hargeysa, isla markaana ku xayiray xisaabaadkii dawladda hoose ku lahayd baanka dawladda.

Waxaa dood sharci oo adagi ka dhalatay warqad amar ah oo uu soo saaray Garsooraha Maxkamada gobalka Maroodi-jeex, Maxamed Jaamac Caraale, kuna taariikhaysnayd 06/12/2015, summada tixraaceeduna ahaa MGH/DFK/69/2014, oo uu garsooruhu ku xayiray Xisaabaaadkii (Accoount-ka), dawlada hoose ee Hargeysa, ay ku lahayd Baanka dhexe ee Somaliland. taas oo uu garsooruhu uu ku sababeeyay in ay ku waajibtay xuquuq dhan $ 6800, (Lix Kun Iyo Siddeed Boqol oo Doolar, oo uu ku leeyahay loo fuliye magaciisu yahay Cismaan Ciise Faarax, oo ku dacwiyaya inuu gaadhi kaga kireeyay dawladda hoose ee Hargeysa, wakhtigii uu Maayarka Hargeysa ka ahaa Alle ha u naxariistii Marxuum Cali Asad, iyadoo la sheegay in aan tan iyo wakhtigaas Maayaradii isaga dambeeyay Hargeysa xil-wareejintooda midnaba ku jirin.


01 sax
Amarka Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa ee Xayiraad Ka Qaadida

Maalintii Garsooraha Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex, uu soo saaray amarkaa xayiraada ah, waxa isla maalintii ku xigtay oo ay taariikhdu ku beegnayd 07/12/2015, uu Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil, uu soo saaray Warqad kale oo Amar ah oo uu xayiraadii kaga qaaday Xisaabaadkii (Account-ka), ee ay dawlada hoose ee Hargeysa, ku lahayd Baanka dhexe ee Somaliland, taas oo uu Guddoomiyaha maxkamadu uu u cuskaday amarkiisan xayiraad ka qaadidda ah, kaddib markii ay maxkamadu garawsatay qoraal garnaqsi ah oo ay maxkamada u soo gudbiyeen maamulka dawlada hoose ee Hargeysa, oo ay kaga dalbadeen iyaga oo tixraacaya amarka xayiraada ah in ay maxkamadu ka qaado xayiraada sida uu dhiggayo qodobka 296 XHM, Sababta oo ah xisaabaadka la xayiraa waa kuwa gaarka loo leeyahay (Private), ee had iyo jeer lagala baxaayo hantida la dhiggay, laakiin Accounts-ka dawlada hoose ay yihiin mid dawli ah oo si joogto ah wax loo dhiggayo waxna looga saarayo iyada oo loogu adeegayo danta ummada, waxaanay sheegeen in muddadii ay xilka qabteen golaha deegaanku aanay jirin dawcad maxkamad looga yeedhay oo ay ka qeyb galeen ama garyaqaanka guud ka qeyb galay, dacwada uu sheeganayo Cismaan Ciise Faarax, ee uu ku sheeganayo in uu dawlada hoose ee Hargeysa, uu ku leeyahay dayn dhan $6800, in aanay ku jirin deyntii ay golihii hore ee deegaanku ku wareejiyeen golaha cusub ee immika xilka haya, waxaanay qoraalkooda ku xuseen in aanay jirin dacwad iyo qoraalo loogu yeedhay dhegaysigeeda ama loogu yeedhay garyaqaanka guud.


[one_half]02 sax[/one_half][one_half_last]002 sax[/one_half_last]
Warqadii Maamulka Dawladda Hoose ay u qoreen Maxkamadda

Sidoo kale, Maamulka dawlada hoose ee Hargeysa, waxa ay ku xuseen qoraalkan ay u qoreen Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex, in daynta uu Cismaan Ciise Faarax u sheegaayaa ay ahayd xilligii uu Maayarka ka ahaa Hargeysa, Allah ha u naxariistee Marxuum Cali Asad, oo ku beegnayd xilligii Allah ha u naxariistee Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo ay ka soo wareegtay muddo ka badan 15 sanno, xilkana ay iska badaleen afar Maayar, isla markaana uu shan ku yahay Maayarka immika xillka haya ee Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, isla markaana xilka dawladnimo ay sidoo kale iska badaleen Saddex Madaxweyne.

SomlegalAds

Halkan Ka Akhri Qoraalka Hubaal-celinta ah ee Maayar Cabdiraxmaan Soltelco u qoray Maxkamadda Gobolka Hargeysa
Halkan Ka Akhri Qoraalka Hubaal-celinta ah ee Maayar Cabdiraxmaan Soltelco u qoray Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Dhinaca kale, Maayarka caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa Warqad qoraal ah oo uu qoray taariikhdu markay ahayd 18/6/2014-kii, una qoray Garsooraha Maxakamada Gobalka Maroodi-jeex, oo Sumada tixraaceedu ahaa XDH//H/243/2014, ku wargeliyay una gudbiyay garsooraha Maxkamada Gobalka Maroodi-jeex, digreeto wareegto Madaxweyne, oo Nuberkeedu ahaa NO-17/1298, kuna taariikhaysnayd 28/12/1998, summada tixraaceeduna ahayd Lr-JSL/M/WA/222017/1298. oo uu Allah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ku laalay dhammaan deymahaasi aan loo marin sifaha sharciga ah ee ay qaateen Maayaradii wakhtigaas xilka hayay oo mushkiladaha ugu badani ay ka taagnaayeen xilligaas magaalooyinka Hargeysa, iyo Gabiley.


Halkan Ka Akhri Wargeetadii Madaxweyne Marxuum Cigaal, Uu Ku Laalay Deymaha Noocan Ah
Halkan Ka Akhri Wargeetadii Madaxweyne Marxuum Cigaal, Uu Ku Laalay Deymaha Noocan Ah

 

Si kastaba ha ahaatee, doodaha sharci ee ka dhashay arrimahan kala duwan ee kor ku xusan ayaa inta badan ku soo urruray in ay yihiin xujo cad oo hor taalla garsooraha Maxkamada Gobalka Maroodi-jeex, ee soo saaray amarkii xayiraada ahaa ee xisaabaadka accounta dawlada hoose ee Hargeysa, waxaanay inta badan doodahan sharci lagu naqdiyay xayiraadda noocan ah ee garsoore maxkamaddeed si hawl-yar ugu xayirayo Xisaabaad hay’ad dawladeed oo adeegyadii aasaasiga ahaa u haysa dadweynaha, isla markaana deyn qof leeyahay ummad dhan adeegyadeedii loo xayiro, taas oo ay dadka qaar ku doodayaan inay arrintani muuqaal ka bixinayso heerka garsoorka Somaliland marayo, iyadoo wakhti xaadirkana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhowaan xilkaas loo magacaabay iyo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ku hawlan yihiin sidii dib loogu hagaajin lahaa hay’adaha Garsoorka iyo Maxkamadaha dalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.