WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 26, 2018, (Saxafi) – Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debadda & iskaashiga Caalamiga ah JSL, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi (Dayax-weerar) iyo wefti u hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay dalalka Koonfur Afrika, Botswana, Zambia iyo dalka Tanzania.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Dayaxweerar oo ay safarkiisa ku weheliso Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Hay’adda Qurbajoogga, Marwo Sahra Xaashi ayaa ugu horrayn gaadhay dalka Koonfur Afrika waxanu kulamo la qaatay Jaalliyada Somaliand ee ku dhaqan dalkaas gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Johannesburg iyo magaalada Cape Town oo ka mid ah meelaha ay ugu badan tahay deganaanshaha iyo joogitaanka jaalliyaddu. Bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa si diirran oo kalgacal iyo wadaniyad leh ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo weftigiisa dalkaas, waxanu Guddoomiyuhu ku qaabilay kooxo ka mid ah qaybaha bushada jaalliyadda shirar si heer sare ah ay usoo agaasimeen jaalliyadu oo ka qabsoomay   22-kii July Cape Town iyo 24-kii July Johannesburg. Waxa ka soo qaybgalay dadweyne ka kooban qaybaha bulshada jaalliyadda oo leh ganacsato, dad xirfadleyaal ah oo ka shaqaysta dalkaas, dhalinyaro, haween, odayaasha iyo waxgaradka jaalliyadda.

SomlegalAds

Gaar ahaan shirka jaalliyadda ee magaalada Cape Town, waxa ugu horrayn ka hadlay Oday Ismaaciil Dabaare oo ka mid ah odayaasha hormoodka ah ee jaaliyadda, waxanu ku dheeraday sooyaalka taariikheed ee Jaallliyada Somaliland ee Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape Town. Waxa isaguna ku weheliyay Guddoomiyaha gaar ahaan shirka ee jaalliyadda Somaliland ee Johannesburg Wakiil Sharafeedka Somaliland u qaabilsan dalkaas Mudane Axmed Jaamac Shire oo isla markaana ka hadlay munaasibaddaas.

Guddoomiyaha Qurbajoogga JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) ayaa khudbadaha u jeediyay jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka, fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Somaliland, kuna dhiirrigeliyay jaalliyadda xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga dhexdooda, isla markaana inay kor u qaadaan kaalintooda waxqabad ee dalka, kana shaqeeyaan horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo dalka Koonfur Afrika.

Gudiyada, odayaasha iyo xubnaha Jaalliyadda ee ka hadlay shirarka ay ku qaabileen Guddoomiyaha Qurbajoogga ayaa guud ahaan aad usoo dhaweeyay booqashada Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, kuna bogaadiyay xukuumadda tallaabadaas, waxanay dhinaca kale ka cawdeen inaan muddo dheer cidi uga iman xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland iyagoo ku jooga dalkaas iyo dalalka ku dhaw dhawba tiro aan yarayn kuna leh ganacsiyo iyo hanti badan, isla markaana looga faaiidaysan karo waxbadan xagga xidhiidhka Afrika.

Wuxu uga warbixiyay shaqada Hay’adda Qurbajoogga oo u taagan isku xidhka jaaliyadaha iyo dalkooda, waxanu kula taliyay bulshada qurbajoogga ah ee ku baahsan Afrika inay soo maalgashadaan dalkooda oo hantidooda geliyaan fursadaha maalgashi ee faaiidada u leh dalkooda iyo dadkoodaba. Waxa uu uga mahad celiyay taakulaynta iyo waxtarka dalkooda, waxanu uga digay inay ka qaybqaataan waxkasta oo saamayn taban iyo dhibaato u leh qaranimada dalkooda, kana fogaadaan aafada qabyaaladda. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland leedahay cadaw farabadan oo aan jeclayn wanaagga iyo horumarka dalkeenna, waxanu ku boorriyay inay daymo u yeeshaan qurbajooggu meelkast oo ay joogaanba. Qurbajoogga Somaliland ee Jaalliyadda South Africa ayaa dhinacooda suaalo kala duwan waydiiyay Guddoomiyaha oo mid mid uga wada jawaabay Qurbajoogga.

Dhinaca kae, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulamo badan oo aad muhiim ugu ahaa dalka la qaatay dhinacyo kala duwan oo ka mid ah dawladda iyo hay’ado caalami ah.

 Guddoomiye Dayaxweerar ayaa safarkaas Koonfur Afrika u ambabaxay dhinaca dalalka Zambia iyo Tanzania oo uu kulamo la yeelan doono bulshooyinka Somaliland ee Jaaliyadda dalalkaas gaar ahaan magaalooyinka Luzaka iyo Daarasalaam, halka ay Sahra Xaashi, Agaasimaha Waaxa Qorshaynta ee Hay’adda Qurbajoogga  oo ku wehelinaysay safarkan shaqo ee Afrika u gudubtay dhinaca dalka Botswana oo ay hawlo shaqo muhiim ah u tagayso.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.