WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 15, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabbe ayaa sheegay in shirarka ka socda Djibouti ee fadaraalka lagaga hadlayo uu waddo Cali Ciise Cabdi oo hoosta ka wata Khaatumo.

Jawaabtan ayaa ka dambeeyey ka dib markii shirar lagaga hadlayey fadaraalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu soo hadal qaaday Khaatumo uu ka dhacay Djibouti, taas oo lagaga arrinsanayey sidii Soomaaliya looga dhisi lahaa maamul goboleedyo ay ku jirto maamul Khaatumo la yidhaahdo.
Shirar Djibouti ka dhacayFaysal Cali Waraabe oo waraysi siiyey Star TV ayaa ka hadlaya shirkaasi Djibouti ka socda waxa uu yidhi “Sheekadan ka socota Djibouti waa sheeko uu waddo Cali Ciise Cabdi oo horana kan oo kale ugu qabtay Addis ababa, oo uu doonayo inuu kaga hadlo arrimo Fadaraalo oo uu KHaatumo hoosta ka wato, wuxuu Addis ka yidhaa NGO baan wad wadaa waanu iska hadlayaa ee isku dir iyo fidmo wad wadaa, waxa kale oo jira iyaguna dad intay Somalilnad ka yimaadeen waxaanu matalnaa Somaliland, inagii baa wax an jirin iska dhigayna”
Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland lagu eedeeyo inay musuqmaasuq ka jiro, isla markaana uu xusay in bisha April laga jarayo mucaawimooyinkii la siin jiray, waxaanu yidhi “Dawladeenii waa la cambaareyey oo waxa aga dhigay dawlad musuqmaasuq oo waxa aga yaabaa in bisha April aan wax mucaawimo ah la ina siin, inagii baa isku maqan, waxaan jeclahay in la soo tooso, sheekadan Cali Ciise (waa siyaasi taageera Cali Khaiiif Galaydh) waa mid isaga uun ku kooban oo aanay Djibouti la socon, madaxweynaha Soomaaliya maaha inuu afka usoo taago Somaliland, isagoo degmadiisa Baladweyne dagaalo ka socdo oo aanu haysan hal degmo oo uu ka taliyo ka jirto, midnimo Soomaaliya ma imanayso oo anaga bariigi horaba idin keenay”
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhoweeyey in madaxweynuhu booqdo bahda Cadaaladda, waxaanu sheegay in garsoorka iyo cadaaladda la xoojiyo, waxaanu yidhi “ Maanta waxa la keenay nin wanaagsan oo gudomiye looga dhigay maxkamadda sare nin aqoonyahan ah waana in la garab istaaga oo mushaharka oo kordhiyo oo ilaalo loo sameeyo hadii lacag ku filan la siiyo laaluush qaadan maayo, waa in la qimeeya qofka garsoorka kiisaska uu qaaday iyo sida uu qaaday iyo Looyarka difaacaya dhibanaha isna waa in la eegaa inuu cadaalad daro ku difaacayo iyo in kale sidaas ayaa cadaalad lagu heli karaa”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.