WorldRemitAds

Guddoomiyaha Urur Waynaha Yuhuuda Amerika Mr. Jonathan Green Blatt, ayaa maalintii Jimcihii aynu soo dhaafnay, si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Muslim yahay, kana mid yahay jaaliyada muslimiinta Maraykanka.

Jonathan Green Blatt, ayaa sheegay inuu laga bilaabo Jimcihii todobaadkan yahay, qof muslim ah, si rasmi ahna ugu biiri doono diiwaanka Muslimiinta dalka Maraykanka.

Guddoomiyaha urur Waynaha Yuhuuda Amerika Jonathan Green Blatt, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha loo doortay Maraykanka, Donald Trump uu diiwaan gelin doono, Muslimiinta Maraykanka, uu si cad ugu sheegayo inuu isna ku biiray oo uu ka mid yahay Muslimiinta, liiska loo samaynayana uu magaciisu ku jiri doono.

SomlegalAds

Jonathan Green Blatt, ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo 18-ka bisha November 2016-ka aanu ahayn Yuhuudi balse uu yahay Muslim, kana mid yahay Muslimiinta dalka Maraykanka, waxaanu tilmaamay inaanu ka xumayn inuu ka mid noqdo Muslimiinta dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa ololihiisi doorashada ku galay balan qaadyo ay ka kow ahayd inuu Muslimiinta dalka Maraykanka ku nool diiwaan gelin doono, kuwa kale ee u soo tacabirana aanu u ogolaan doonin inay soo galaan ama ku noolaan karaan dalka Maraykanka.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka Donald Trump, ku guulaystay doorashada ayaa waxa si wayn u kordhay cunsuriyada iyo kala faquuqista lagu hayo shacabka Maraykanka ee midabka iyo diinta sida wayn ugu kala duwan.

Jonathan Green Blatt, ayaa ugu baaqay dadka magaca leh ee dalka Maraykanku inay ku biiraan Muslimiinta oo ay si buuxda isugu diiwaan geliyaan, waxaanu waraysi telefishanada ugu waaweyn Maraykanku la yeesheen uu ku sheegay inuu Muslim yahay kana mid noqday Muslimiinta Maraykanka.

“Donald Trump wuxuu ololaha doorashada ku galay, inuu diiwaan gelin doono muslimiinta Maraykanka, kuwa kale ee doonaya inay soo degaana aanu ogolaan doonin, waxaan u arkaa inuu uga dan lahaa, inuu sumcada kaga xumeeyo Muslimiinta Maraykanka iyo kuwa dunida kale ku noolba, laakiin waxaan u sheegayaa inaan Aniguna ahay Muslim, oo aan ka mid ahay Muslimiinta Maraykanka.” Ayuu yidhi Jonathan Green Blatt, oo ah guddoomiyaha urur waynaha Yuhuuda Amerika.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi, “Laga bilaabo Jimcaha maanta ee bisha November 18-ka tahay waxaan ka digo rogtay Yuhuudinimadii waxaanan noqday Muslim, waxaanan si cad ugu sheegayaa Donald Trump iyo cid kasta oo Muslimiinta necebi inay sidaa ii ogaadaan.” Ayuu yidhi Jonathan Green Blatt.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.