WorldRemitAds

Gacan-Libaax, Somaliland, June 26, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) iyo Mujaahid Axmed Mire oo shalay ka hadlay shir beeleedka Buurta Gacan libaax ee Tolwanaaje 2 ayaa labaduba rajjo wacan ka muujiyay natiijadda shirkaas laga fillan karro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in shirkan farriinta ka soo baxdaa wax badan daweyso. “Shacab badan ayaynu nahay iyo deeggaano badan oo Xaggaa u jooga Selel iyo Awdal, xagga kalena Sanaag iyo Sool. Markaa, farriinta ugu horeysa ee aan is leeyahay waa ay ka soobaxaysaa shirku waa farriin midaysa shacbigeenaa kala deegaanka iyo reeraha ah ee ay hada ka muuqato kala qaybsanaantu” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Ciro. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxaa uu inaas ku daray oo hadalkiisa ka mid ahaa. “Waxaan rajaynayaa inay shirkan ka soo baxdo Farriin daweysa booggaha” waxaana uu rajeeyay oo kale inay ka soo baxaan wanaagga bulshadu ka fillayso.

SomlegalAds

Sidoo kale, Siyaasiga sida weyn loo wadda yaqaano Mujaahid Axmed Mirre oo isna madasha ka hadlay ayaa rajjo taas la mid ah ka muujiyay natiijadda Shirkan. “Waxaan ku baraarujinayaa inuu yahay shir saameyn ku yeellan kara dalalka aynu jaarka nahay iyo dhamaan wixii Af Soomaali ku hadlaba.” Ayuu yidhi Axmed Mire, waxaana uu intaas raaciyay. “Waxan ku guubaabinayaa in shirkan waxaa ka soo baxayaa inuu noqdo, wax qancin karra qofka Somaliland halka ugu bariyaysa degan iyo kan halka ugu galbeedaysa degan. Inuu noqdo wax qancin karra dadka” Ayuu yidhi

Shirkan ayaa la fillayaa inuu sii socda maalmaha soo socda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.