WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 3, 2014 (Saxafi)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khaladaad uu ka sameeyey xeerka Diiwaangelinta ee golaha Guurtidda uu u gudbiyey oo ay jireen warar sheegay inuu dib u saxay khaladaadkii ku jiray xeerkaasi.

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay  inay jireen laba qoraal oo iskugu soo jawaabeen labadda gudoomiye ee Guurtidda iyo Wakiilada balse aanay jirin wax qodobo ah oo khaldan oo ay dib u saxeen, sidaasna waxa uu ka sheegay shirjaraa’id oo uu magaaladda Hargeysa ku qabtay.

 “Arintaas waxba kama jiraan,Sidaad ka war qabtaana nidaam ay kuwada shaqeeyaan ayay leeyihiin Golayaasha qaranku, Hore saxaafadu waxa loogu qoray looguna sawiray waraaq uu ii soo diray Guddoomiyaha Golaha guurtida 16-kii Bishii ina dhaaftay,aniga oo ixtiraamaya labada gole waraaqdii uu ii soo diray ayuunbaa uga jawaabay” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka jawaabayay warar warbaahintu baahisay oo sheegayey in gudoomiyuhu dib u saxay khaladaad ku jiray xeerka Diiwaangelinta.

SomlegalAds

Sidoo kale, Gudoomiye Cirro ayaa xukuumadda ugu baaqay in wariyeyaasha Gabiley ku xidhan xoriyadooddii loo soo celiyo, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Waxaan Xukuumada Baaq ugu soo jeedinayaa in ay soo dayso Wariyaasha Ay xidhay ee ku  sugnaa degmada Gabilay ee ka shaqeeya saxaafada madaxa Banaan ee Somaliland,Iyada oo la eegayo Madax Banaanida saxaafada lana ixtiraamayo,waa in Xoriyadooda lasiiyaa.”.

Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu ku baaqay in la sii daayo Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee Waddani oo Maxakamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay todobo cisho oo rumaan ah.

“waxaa kale oo aan xukuumadda u soo jeedinayaa in Xoriyadiisa loo soo celiyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga WADANI oo laygu yidhi Jaraa’idka mid ka tirsan ayaa xidhay.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.