WorldRemitAds

“Ninka dhaliishayda ii sheegaa laba goor mahadsan, ninka ii guul-wadeeyaana ma mahadsana, ka wax run ah igu taageeraana wuu mahadsan yahay, kii wax been ah….”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi

Hargeysa, Somaliland, July 4, 2017 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay bahda warbaahinta Somaliland.

SomlegalAds

Kulankan casuumadda ah oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo inta badan bahda saxaafadda Somaliland oo ay hormood u yihiin maamulayaasha iyo mulkiilayaasha badiba hay’adaha warbaahineed ee dalka ka jira ee xarumahoodu yihiin caasimadda, xubno badan oo ka mid ah ruug-caddaadiga saxaafadda, qoraayo, sawir-qaadayaal iyo suxufiyiinta ka shaqeeya mihnadda saxaafadda waqtigan, waxaana si furan la isaga xog-waraystay waayaha dalka iyo sidii ay saxaafaddu danaha guud ee dalka xil weyn iskaga saari lahayd.

Ujeeddada kulankan oo ahayd sidii xisbiga KULMIYE iyo bahda saxaafadda meel uga soo wada jeedsan lahaayeen arrimaha danta guud, isla markaana looga wadashaqayn lahaa danaha qaranka, ayaa laga jeediyey hadallo mahadnaq, bogaadin, waano iyo wax-isu-sheeg u badan, waxaana si hufan oo sarraaxad leh la isugu sheegay in midnimada danta qaranku lagama maarmaan tahay.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay inay jirto wadashaqayn qoto dheer oo xisbiga iyo warbaahinta qaranka u dhaxaysa oo ah mid soo jirtay muddadii xisbigu jirayba, waxaannu xusay in KULMIYE maanka ku hayo horumarinta bahda saxaafadda iyo la shaqayntoodaba.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo ka mid ahaa suxufiyiintii ruug-caddaaga ee dhidibbada u taagay saxaafadda dalka, ayaa isaguna bahda warbaahinta u sharraxay waajibaadka saaran saxafiga ee lagama maarmaanka ah, waxaannu yidhi, “Ninka suxufiga ah ee hawsha saxaafadda ku jira waxa saaran saddex waajibaad oo kala ah, masuuliyad-xirfadeed, mid sharciyeed iyo waliba masuuliyad bulsheed, waxaana waajib inuu qofkaasi si uu xirfaddiisaas u ilaashado inuu yeesho aqoontii saxaafadeed oo uu kala ogaado maxaa kaa mamnuuc ah amaba laguu ogolyahay, waana inaad bulshada u gudbisaa war dhisan oo miisaaman oo aan been iyo buunin midna lahayn.”

Xubno ka mid ah ruug-caddaaga saxaafadda dalka oo ay ka mid yihiin saxafi/qoraa Maxamed Cali Xasan (Waji), Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab), macallin Faysal Maxamed Fadh-fadhle, Muuse Faarax Jaambiir, Maxamed Cabdi Ilig iyo Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa halkaas hadallo ay ka jeediyeen uga mahadnaqay xisbiga KULMIYE sida uu u sharfay bahda saxaafadda, waxaanay ku bogaadiyeen Guddoomiyaha xisbiga sida uu xilka iskaga saaray inuu madal casuumadeed la qaato warbaahinta.

Waxa kaloo ay faahfaahiyeen muhiimadda warbaahintu leedahay, ilaalinta anshaxa war-tabinta iyo sida loogu baahan yahay in saxaafaddu noqoto mid dhexdhexaad ka ah shaqadeeda, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada qaranka.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha ka jeediyey hadallo kaftan u badan, ayaa sharraxay sida uu arko cidda ammaanta ee saxaafadda ah iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaannu yidhi, “Ninka dhaliishayda ii sheegaa laba goor mahadsan, ninka ii guul-wadeeyaana ma mahadsana, ka wax run ah igu taageeraana wuu mahadsan yahay, kii wax been ah iga sheegaana wuu mahadsan yahay oo aakhiraaban ajar ka helayaa.”

Guddoomiyuhu waxa ujeeddada kulanka ku sheegay inay tahay inuu abuuro madal-doodeed saxaafadeed oo ay bahda warbaahintu ku shirrabaan maadaama uu doonayo inuu dalka hoggaamiyo, “Ujeeddada aan u socdaa waa kii aan soo gaadho inaan gaadho kii kalena aan daydayo oo aannu nin walba doodno oo ololaa soo socda oo rag baa sharraxane aan nimanka kale ka badiyo oo aan idin idhaahdo nin walowba imtixaan iga qaad inaan fidh ahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.