WorldRemitAds

Wajaalle, Somaliland, August 11, 2018, (Saxafi) – Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Wajaale ee dhinaca wadanka Ethiopia Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay toogasho ku dhaawaceen.

Guddoomiye Ku-xigeenka oo markii ugu horaysay ka hadlay weerarkan oo dhacay habeen hore ayaa waxaa uu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago ciidamada Liyuu booliska baabuur ay dhacayeen oo loogu tala-galay adeegga bulshadda waxaana uu yidhi”Waxa ay doonayeen in ay qaataan gaadhi dabdamis ah oo magaaladu lahayd”. Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaadhay, oo xabbaddu ay Jiidhaysay xaaladiisuna ay fiican tahay.

SomlegalAds

Wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in kooxo Dhallinyaro ahi ay rabshado ka wadaan, “Dabdamiskii iyo alaab kaleba waa qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaadhsiiyeen” ayuu yidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.