WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 14, 2015 (Saxafi) – Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ee dalka ka talisaa ay ku fashilantay haykalkii dawladnimo oo ay burburisay, isla markaana ay adagtahay waqtigan isu socodka wadamada inala jaarka ah.

Axmed Mumin Seed oo shalay warbaahinta la hadlayey isagoo ku sugan xarunta guud ee xisbiga Waddani ee ku taala magalada Hargeysa ayaa ka hadlay safarkii u dambeeyey  uu wasiirka hawlaha guud & guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” uu ku tegay magalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. “Dowladda maanta talada dalka haysaa oo uu Axmed Siillaanyo hogaamineyo waa ay ku fashilantay hogaankii umadda iyo dalka, waxaad dareemaysa marka aad safarka gasho ayaad daramaysaa isu socodka xuduudaha oo dhan culays badan baa ka jira, laakin xukumaddu waxaas oo dhan kama war hayso.
Guddoomiye Ku XigeenkaAgaasimayasha iyo badhasaabada gobolada oo is wada haysta ayaad arkaysaa, waxa aan aad iyo aad u cambaraynaynaa wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland intuu Ceerigaabo tegay ayaa agaasime la xidhay oo loo xidhay maxaad uga hor tegi wayday wasiirka, waxaasi oo dhana xukuumaddu ma oga, Marka madaxweynuhu inuu dibada u soo baxo oo shicibkiisa la hadlo oo xaalaada dalka uu ogaado ayay ahayd, laakiin agaasimayaasha uu xafiiskiisa kula hadlo wax badan oo qiimo ah ma soo kordhineyso. Marka xukuumaddu isa saxdo hadda waxa jira waxyaabo fara badan oo ilaa hadda waxba aan laga qaban. Sida maciishadii runtii sixir bararka maanta Dollarkii halka uu marayo dadkii danyarta ahaydna runtii way bakhtiyeen, waxaas oo dhan xukumadu war uma hayso.
Waxaad mooda talada dalka in nin waliba halka uu joogo uu isku cajibeyo (sida uu doono uu yeelo) laakiin cid shicibkii eegaysaa iyo xaalada dalka maanta halka uu marayo ma jirto, waxaa loo baahan yahay in madaxweyne Siillaanyo umaddiisa la hadlo oo u sheego xaalada dalku maanta halka ay marayso iyo meelaha uu wax ka qaban karayo, runtii dowladan maanta waxa uu taala hawlo badan oo looga fadhiyo.”
Gudoomiye Axmed Mumin Seed, ayaa sidoo kale ka hadlay degaano ka tirsan Somaliland oo macdano laga baadhayo, islamarkaana ay cabashooyin badani ka soo baxayaan qaar ka tirsan shacabka ku nool deeggaanadaas waxaana uu ugu baaqay xukuumadda in ay shacabkeeda u tudho, waxana uu yidhi “Arrintaasi runtii goobaha laga qodayo macdanaha dadka shicibka ah ee ku nool dhibaatooyin faro badan bay dadkaasi sheeganayaan, in dadka gurmad loogu tago oo xukumadu arrimahaa ka hawlgasho oo shicibku waxa ay ka cabanayaan la eego oo hoos loo eego weeye”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.