WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 9, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirka golaha dhexe ee Kulmiye si habsami ah u qabsoomayo Salaasada berrito. Waxa uu sheegay inaanay jirin wax caqabad ah oo wakhtigan jira.

Muuse1Muuse Biixi wuxuu shacbiga Somaliland ugu bushaareeyay in shirku intii badnayd si habsami ah u soo socotay qabanqaabadiisu, haddana uu nabad ugu qabsoomi doono, isagoo aan soo hadal qaadin musharaxiinta iyo taageerayaashooda diidan qabsoomida shirkaasi.

Guddoomiyaha KULMIYE, sidoo kale wuxuu asxaabta Mucaaradka ah u sheegay inaanay jirin cid ay quudareeyaan oo uga soo socota Kulmiye, maadaama ay filayeen in taagerayaal ka soo cadhooday Kulmiye u soo aag bedeshaan asxaabta Mucaaradka ah, isagoo carrabaabay xisbiga Kulmiye ee Kulmiye iyo xukumaddiisu la xafiiltamaan

SomlegalAds

1 COMMENT

  1. Baaqashada shirka kulmiye waa baaba,iisa. Ergooyinka shirka ka qaybgelaya, laba siyaasi ayaa ugu habboon in ay noqdaan musharaxnimada madaxweyne iyo ku-xigeekiisa. Maamulka shirka xisbigu na, haddii ay ka soo bixi waayaan labadaas siyaasi, waa uu fashilmay. Kulmiye marka ay tahay, haddii taasi dhacdo, waxa weeye dibudhac weyn oo ku yimi SOOMAALAANDNIMAADA.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.