WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland December 22, 2015 (Saxafi) – Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Somaliland Maxamed Mixile Boqore oo ay wahelinayan masuuliyinta sare sare ee hay’ada shaqaalaha kormeer ku soo mareen wasaarada maaliyadda Somaliland qaybaheeda kala duwan ay soo koormeereen masuuliyintaasi, waxana kormeerkan uu noqoneya qaybtii labaad ee ay ku soo kormeereyeen laamaha iyo xarumaha xukumaddu ka dhisan.

Gudoomiyaha hay'adda shaqaalahaGudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Prof Maxamed Mixile Boqore ayaa sidoo kale sheegay in kormeerkani uu yahay balanqaadkii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo uu ku balan qaaday tayaynta iyo dib u habaynta shaqaalaha dowladda, waxana hadalka gudoomiyahu uu dhigna sidan “Shaqaalaha dowladda ka shaqeynaya ee hadda ka shaqeeya iyo wixii kale ee been ah ee meelaha ku yara gabaneya ayaanu doonayna inaynu soo saarno, waxana aanu rabnaa in aynu gelino oo ku kaydino barnaamij softweerah oo data ah, islamarkaana qof walba oo shaqaale dowladeed ahi oo sawirkiisa wata ayaanu diwangelinayna.
Marka hawshayada ee kormeerkani uu ku salaysan yahay tayaynta shaqaalaha dowladda oo aanu ku hawlan yahay maalmahan wadi doonaa, shaqaalahayagu habeen iyo maalinba way wada shaqeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa daatada shaqaalaha dowlada oo sax ah lana kaydiyo. Sidii uu madaxweynaha Somaliland uu yidhii dib u habaynta shaqaalaha dowladda ee public sector reform ama cadalada lo habeeyo, ayaanu habeentii aanu wadna oo wixii hadhow marka aanu dhamaystirno kormeerkayagan wixi shaqaale aan imtixaan marin aanu ka qaadi doono imtixaan sidii hadhow shaqaalahaasi uu helo cadaalad.” 

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.