WorldRemitAds

Guluub laydh oo ka baxa xarun dab-demis oo ku taala California dalka Maraykanka ayaa isagu noqday mid cimrigiisu toban jeer dhaafay muddadii loogu talo-galay isticmaalkiisa, noqdayna kan ugu da’da weyn adduunka.

Inta badan waxa aynu wada naqaanaa, alaabooyinka la isticmaalo in cimrigoodu wakhti kooban ku dhamaado, gaar ahaan guluubada iyo laambadaha laydhka, kuwaas oo wakhtiyadan danbe maraya in todobaadkiiba mar qoysku iska badalo ama ay ka gubtaan.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Laakiin guluub laydh oo ka baxa xarun dab-damis oo ku taala California dalka Maraykanka ayaa isagu noqday mid cimrigiisu toban jeer dhaafay muddadii loogu talo-galay isticmaalkiisa, waxaanay da’diisu qarka u saaran tahay sanadkii boqol iyo labaatanaad sida la cadeeyay kaas oo maalin iyo habeen 24-ka saacadood aan mar qudha la damin ee uu baxayay.

Guluubkan boqol iyo labaatan jirka ah, ayaa isagu maalin iyo habeenba shidnaa tan iyo maalintii lagu xidhay xafiiska waaxda lixaad ee (Fire Station No. 6) lagu magacaabo oo ku taala, degaanka Livermore, waxaana sida ku taariikhaysan ay noqonaysaa sanadkii 1901-dii.

In kasta oo aan si rasmi ah loo garan karayn markii ugu horaysay ee shiditaankiisa la bilaabay, haddana waxa laga bilaabo sanadkii 1901-dii, bisha December mar kasta oo la gaadho badhtamaheeda ay shaqaalaha xaruntaasi u dabaal degaan ama qabsadaan xus gaar ah oo guluubkan lagu maamuusayo.

Sida ay ku warantay shabakada arrimaha layaabka leh inta badan baahisa ee Oddity Central, guluubkani dhinac cimri dheerida waxa uu ku darsaday, shaqo badnaanta, waxaana sida qoraalka warkiisa la xidhiidha shabakadu ku sheegtay boqol iyo labaatan sanadood la bakhtiiyay oo kaliya labo jeer oo kala ah, sanadkii 1976-kii oo goobta uu ku yaalo laga badalayay wakhti koobana loogu wareejinayay meel kale iyo sanadkii 2013-kii oo sadex saacadood iyo afartan daqiiqo korontadu ka go’nayd xaruntaas.

Guluubkan ayaa mucjiso ku noqday farsamo yaqaanada iyo dadka wax daraaseeya, waxaana dhacday in marar badan baadhitaano iyo warbixino loogu fiirsanayo laga diyaariyay, laakiin wali waa mid u adkaystay xaaladaha kala duwan ee dabeecada shaqadiisuna noqotay mid uu ku kasbaday taageero shaqaalaha goobtaas ka hawl gala.

Oday ka mid ah dadka hawl gabka noqday ee xaruntaas ka hawl gali jiray, oo ka hadlay markii afartan sanadood ka hor meeshii uu ku ooli jiray laga badalayay guluubkaas ayaa sheegay in ay ka baqayeen inuu gubto ama qarxo, sababtoo ah? Waxa loo sheegay wakhtigaas inuu todobaatan jir yahay guluubkani, waxaanay ku kaliftay in xadhig loo gooyo oo aan laga saarin goobta si loo badbaadiyo, laakiin uu wali la yaaban yahay in afartan sanadood iyo dheeraad ka dib uu wali shaqaynayo.

Guluub-kani waxa uu ku yaala goob hooso ah oo la dhigo gaadiidka gurmadka deg deg ah ee dab damiska, halkaas oo kumanaan shaqaale ahi nuurkiisa isticmaaleen kumanaan guluub oo kale oo la dhinac sudhayna ka shubeen, shan jiil oo dad ahina isku badaleen, laakiin uu wali baxayo mucjisana noqday, lagana yaabo in lagu daro waxyaabaha qiimaha leh ee dalka Maraykanka taariikhdiisa soo maray.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.