WorldRemitAds

Maxamed Xaashi Maxamed

Guushii labaad ee xisbiga Kulmiye ka soo hooyey tartankii doorashada, kadib badi wasaaraddaha dawladu waxay sameeyeen laba kacleyn dhinacyo badan leh. Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa ka mida kuwa qaaday tabaalooyin lataaban karo, waxaanay haatan u muuqataa wasaarad aad u mashquulsan oo howli ka muuqato.

Hadaynu isku dayno inaynu tusaalayaal nool nool si kooban wax ugu tilmaano, waxqabadkii  lixdii bilood ugu danbeeyay waxaad dareemi karaysaa kartida iyo shaqada ay muujiyeen masuuliyiinta sare iyo shaqaalaha wasaaraddu.

SomlegalAds

Saxida wixii khalalaad u muuqday iyo inay maamul daadajin ayay maabka saartay wasaaradu waa sida ay u muuqatee.

Ku shaqaynta qawaaniinta shuruucda dalka u dajisan ayaa ah tubta ay qaaday si meesha looga saaro fikrado jeebka lagala soo baxo oo sharciga ka baxsan caqliga caadiga ahna dhaafsiisan.

Sharcigoo lagu adkaado iyo hawlaha wasaaradoo cadaaladi ka muuqato waxaa suurtagala inaanay dadka qaarkii jeclaysan, gaar ahaan ku wa danaha gaarka ah lahaa talaabooyinkanina inta badani dadkaa maaha kuwo farax galinaaya.

Inay wasaaradu ku foog naato hawlihii loo igmaday oo kaliya waa talaabooyin aan hore looga baran. Waayo indhawaale waxa ina dhego barjeeyay hadal haynta wasiir maaliyadeed oo ku mashquulsan hawlo ka baxsan shaqadii wasaaradda .

Maadaama wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland waqtigan aan joognaa shaqada qudha ee ay haysaa yahay howlo maaliyadeed oo keliya waxay u eegtay inay ka midho dhalinayso odoraskeeda miisaniyadeed si ay u rumowdo riyadeedii kordhinta dakhliga, iyo kobcinta hantida maaliyadeed ee Somaliland. Shacbigeenana gashi uga muuqdo   dalkuna uga maarmo inuu cid daba fadhiisto mishaharooyinka shaqaalaha kana nabadgalno ku tiirsanaanta shisheeyaha, una fududaato inaynu si fudud uga gudubno horumarin daleed iyo dadeedba. Somaliland waxay in badan oo dunida saddexaad  ka duwan tahay, isku tashiga dadkeeda haddey noqoto xaq dhaqaale iyo mid nabadgelyaba.Waana arrin muddan ku faanideeda.

Wasaaradda Maaliyadda ee xiligan cusubi, maaha goob siyaasad raadcaysa, mana aha goob olole, ma bixiso qandaraasyo waayo marka horeba shaqadeedii may ahayn, fagaarayaashana kama khudbadeyso, sababtoo ah shaqo maalmeed keeda kuma jirto.

Shaqaale qorista iyo wixii arrin shaqaale la xidhiidha waxaa masuuliyaddeeda leh hay’adaha ku shaqada leh.

Waxaynu dhawaan arkayney iyadoo saraakiisha wasaaraddu magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Beer iyo Burco ku gubaya baco si sharci daro ah ku soo galay, dhacdadaasina waa mid inoo fududayneysa inaynu yiqiinsano dabaqida qaynuunka.

Dhawr dariiqo oo waqtiyadii hore wasaaraddu waraaqo loogu samayn jiray,  in dad  gaari  baco keensadaan haatan wasaaraddu si adag ayay u mamnuucday.

Waxa kaloo layaable inay muddo gaaban ku bixiyaan 79% deymihii is dabayaalay  taas oo macnaheedu  yahay awood iyo hufnaan wasaaraddu muujisey in la tilmaamana xaqbay u yeelaatay. Waxaana laga yaabaa inaanay dad badani filayn amba aanay rumaysan dhaqsaha muddada gaaban iyo howl intaa le’eg inay maamulka wasaaraddu ku soo bandhigaan.

Qorshaha dhaw ee  wasaaraddu waa mid rajo galinaya dadweynaha Somaliland. Cashuurta imika la qaadaa waa qaabkii qadiimiga ahaa ee Nebi Aadan (CS) oggaa. Balse sida aynu la socono maamulka waayo araga u ah kobcinta dhaqaalaha iyo kordhinta dakhliga ee xilka ka hayaa waxaa u qorsheysan in la qaado cashuuraha casriga ah midaas oo ah cashuurta bariga guud ahaanba cashuurta dalka laga qaadaa waa 10% wax ka yar.

Dalba dalkuu ka qaadi og’ yahay cashuurta bariga, ayuu ka horumarsan yahay, maalinta  dawlad iyo shacbi loo diyaar garoobo cashuur bariyaadka waxa la hubaa in riyada wasaaraddu rumowdo sanadka 2019 insh’allah.

Miisaaniyada aynu qorsheysanay waa mid ammintan ku dhisan amaba u badan kastamada cashuurta ka soo hoyata, kastamadu na waa midey dunidu ku bilaabmatay  qarniyaal  iyo qarniyaala soo jirtay. Madaxda maaliyaduna waxay rumaysan yihiin in miisaaniyada dalkeena lagaadhsiin karo libin laab iyo afar laaba. Eebbana  waxaynu ka baryaynaa in hammigeena sani  inoo rumoobo sannadka soo socda 2019 .

Qormooyinkeena soo socda waxaynu ku faahfaahin doonaa, dulucyadan aynu soo xusnay.

W/Q: Maxamed Xaashi Maxamed

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.