WorldRemitAds

“Anigu Waxaan u imid Somaliland inaan Uga Faa’iideeyo Xidhiidhada Caalamka Aan Ku Lahaa, umanaan imman inaan dacweeyo ama albaabada ka xidho igamana suurtowdo”

“Anigu ma ihi nin Shaani tuuraya, Sidaad la socotaana waxaan ka shaqeyn jiray nabadda caalamka iyo cadaaladda.”

Hargeysa, Somaliland, October 30, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Wasaarradda Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah xubnaha ku loolamaya Murashaxnimadda Xisbiga Kulmiye ayaa taageeray dhaliil Garab ka mid ah hoggaanka Kulmiye ku naqdiyay qaabka loo waddo shirka golaha dhexe ee Xisbigaas.

Maxamed Biixi oo ka hadlay is-casilaadaMudane, Maxamed Biixi Yoonis oo shalay ku qabtay shir jaraa’id Magaaladda Hargeysa ayaa waxaa uu tilmaamay oo ka war bixiyay talaabooyinkii la qaaday ka hor intaanay iska casilin xilalka iyo sifihii Guddoomiye ku xigeenka labaad iyo sadexaad kaga mid noqdeen guddigii loo igmadday hawsha maamulka, waxaana uu yidhi. “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo Bayaankii ay soo saareen labada guddoomiye ku xigeen ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeyo Iyo Xildhibaan Talyanle oo garabkayaga ah, islamarkaana aanu u dooranay sidii Madaxweynuhu ku taliyay in afartaa xubnood ee hoggaanka Xisbiga ah oo ay labadan xubnood ku jiraan iyo Wasiir Caddami ay maamulaan hawsha Xisbiga ka socota oo markii hore u afduubnayd garab. Waanu aqbalay. Waxaa lagu heshiiyay dhinaca farsamadda in laba xubnood oo kale aanu ku soo darsano maadaama ay laba dhinaca kale ahi ka shaqeynayaan meesha, haddana labadayadii xubnood waa la diiday. Markaa ka dib, labadii xubnood ee hoggaanka ahaa waxa ay cadeeyeen in aanay saaxad xalaal ah iyo cadaalad lagu tartamayaa aanay jirin, anana waxaan doonayaa in aanu ku taageero taladaas ay gaadheen.” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis waxaana uu intaas ku daray, isaga oo haddalkiisa sii watana uu raaciyay oo yidhi. “Waxaa ay noogu muuqataa in aan la dooneyn in caddaalad iyo xaq lagu maamulo tartankaas oo tartankii afduuban yahay oo uu nin u xidhan yahay, tagistii Madaxweynuhu shalay (Doraad) Xarunta tagayna uu ku sii galbiyay, taasina waxaa ay keentay foolxumo badan oo looma baahneyn in Madaxweynuhu muujiyo inuu dhinac yahay. Waxaan leenahay haddii aan arrimahaas socda oo aanu u aragno inay cadaalad daro tahay laga joogsan waxaa ay muujinaysaa in Xisbigii Taagan yahay Albaabkii UDUB. Haddii lagu sii socdo arrinkaasna anana wixii nala gudboon ayaanu yeeli doonaa. Annagu waxanu nahay dad nabad jecel, wax badan xurmaynaya, doonaya oo ku jira dedaal ay ku raadinayaan inay galaan tartan xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay. Laakiin, maanta waxaa ay u muuqataa in meeshaas la afduubay aanu ka muuqan tartan xalaal ahi.”

Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu ka hadlay oo kale su’aal laga weydiiyay qorshaha xigga kan ay ku dhaqaaqeen ee is casilaada iyo soo jeedinta ah, waxaana uu yidhi. “Qorshaha kan xigga waanu ka hadli doonaa, laakiin, waxaanu leenahay waxaanu doonaynaa tartan, qoladan naga soo horjeeda waxaa  gashay cabsi markii la arkay in inta badan xubnaha golaha dhexe nala socdaan. Taas ayaana keentay in madaxweynuhu yidhaahdo ka leexda murashaxa aad la socotaan, balse waxanu og soonahay in dadkii iyo ummaddii cadaaladda la socoto oo taageerayso.”

SomlegalAds

Waxaa la weydiiyay xidhiidhadii uu la lahaa caalamka in arrimahani saameynayaan iyo inuu dacwad ku oogayo,“Somaliland waxaan u immid inaan Xidhiidhada badan ee aan dunida ku leeyahay ugu adeego, uma imman inaan dacweeyo Somaliland ama albaabada ka xidho igamana suurtowdo, anigu ma ihi nin Shaani tuuraya. Sidaad la socotaana waxaan ka shaqeyn jiray nabadda caalamka iyo cadaaladda.  nabad iyo wadda xaajood ayaanan wax ku wadnaa. Waxaanan doonaynaa in aanu hello saaxad xor ah oo lagu tartamo oo la sameeyo saaxad lagu tartami karro. Madaxtooyadduna aanay dhinac raacine ay ka soo noqoto oo dhex iyo garsoor caadil ah ka noqoto.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.