WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 3, 2015 (Saxafi) – Shirkadda Somtel ayaa toddobaadkan xaflad aan nooceeda hore loo arag ku soo bandhigtay badhtamaha Suuqa wayn ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana wajahada hore ee Dahabshiil Bank, taas oo lagu furaayay barnaamij Abaalmarineed oo la magac baxay “Hadal Oo hel” Hal Milyan Maalin kasta iyo Baabuur casri ah.

Hadal Oo Hel Ugu horayn waxa barnaamijkan Abaalmarinta ah faahfaahin aad u qoto dheer ka bixiyay madaxa suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Macaamiisha kala duwan ee Shirkadda Somtel iyo guud ahaanba Dahabshiil Group sida wanaagsan ee aad uga soo qaybgasheen xafladdan aadka u balaadhan Ee shirkadda Somtel ay idiinku soo bandhigayso Abaalmarimaha kala duwan ee ay ka mid yihiin 30 Milyan oo Shillin Somaliland ah, Afar baabuur oo nooca raaxada ah iyo Hadiyado kala duwan sida 4G MIFI Qiimo ahaan waa Abaalmarin ka badan $40,000 ( Afartan kun oo dollar), Barnaamijkani waxa uu socon doonaa Muddo 30 Cisho ah  Maalinkastana waxa lagu guulaysan doonaa Hal Milyan oo shilling Somaliland ah. Sidoo kale maalinkasta shirkaddu waxa ay bixindoontaa Hadiyado kala duwan, maalinta u dambaysa 30 kaas cisho waxa lagu guulaysandoonaa Abaalmarinta ugu wayn oo ah Afar gaadhi oo ah nooca raaxada waxaana ku guulaysan doona afarta qof ee nasiibkoodu siiyo hadaba Macaamiisha waxa looga baahanyay: Hadal Oo Hel1.  In Macmiilku kaadhkiisa Somtel uu ku shubto ugu yaraan lacag dhan $0.25 Cents iyo 2. Macmiilka waxa kale oo laga rabaa in uu Isticmaalo Adeegga Casriga ah ee eDahab hadii aanu lahayna waa inuu goobta ugu dhaw iska diwaangaliyaa, Macmiilka Guulaysta Maalintii waxa soo wicidoonta Shirkadda Somtel oo ka soo garaaci doonta lambaro gaar ah oo aan ahayn kuwa macaamiisha. Haddaba macmiil telefoonkaagu ha furnaado wakhti kasta oo laguu baahdo, Barnaamijkan waxa aad kala socon kartaa oo aad ka daawan kartaa Habeen kasta SLNTV, waxa kale oo aanu ogeysiinaynaa dhammaanba Shaqaaleweynaha Dahabshiil Group in aan loo ogolayn ka qayb qaadashada Abaalmarintan qaaliga ah ee macaamiisha loogu talagalay.”
Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay Masuul sare oo ka socday Shirkadda Dahabshiil Group Cawil Saalax Cabdi waxaanu Mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyay dhammaan macaamiisha Dahabshiil Group meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale Masuulkan ka socday Dahabshiil Group waxa uu faahfaahin dheerada ka bixiyay adeegyada casriga ah ee Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group ay ku soo kordhiyeen dalka sida Adeegga Casriga ah ee Somtel 4G, eDahab, Micro-Dahab iyo Guud ahaanba Tiknoolajiyaddii u dambaysay ee maanta dunidda laga isticmaalayay in ay dalka keentay Shirkadda Dahabshiil Group.
Ugu dambayntii waxa xafladda soo xidhay Madaxa Waaxda Ganacsiga Ee Shirkadda Somtel Mohamed Rooble oo mahad celin aad u balaadhan u jeediyay macaamiisha SOMTEL, waxaanu  sheegay in abaalmarintani tahay qayb ka mida faa’iidada shirkaddu ay macaamiisheeda ku celiso markasta.
Hadal Oo Maalin Kasta Hel

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.