WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 23, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso, waxaanu sheegay in aanay ka fursanayn in dawlad ku meel gaadh ah oo xilka gaadhsiisa doorasho la soo dhiso.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in gabi ahaanba la joojiyo wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay kala qaybinayso shacabka Somaliland.

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu shalay safar uu dibadda kaga soo laabtay dib ugu soo noqday dalka, waxaana ka  mid ahaa hadalkiisa“Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaala arrimo badan. Arrimahaas waxaa loo baahan yahay in wada jir looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa inaanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn”

SomlegalAds

Mar uu ka hadlayey fulin la’aanta heshiishkii dhexmaray saddexda xisbi iyo xukuumadda iyo go’aankii uu guurtiddu ku adkaysanayso waxaanu yidhi “Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi, heshiiskaa in la hirgaliyo weeye.madaxweyne xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska, taa macnaheedu xukumadduna way ku jirtaa weeye, haddaanay dee kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku. laakiin, waxaan filayaa in xukumaddu ku midaysan tahay rayigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay,waxay ahayd in lagu talaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi”.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu ku dooday in la sameeyo dawlad wadaag ah inta lagu jiro muddada lagu heshiiyay in doorasho ku dhacdo “muddadaas sanadka iyo 6-da bilood ah waa in la qabto hawlo badan. Waxa ugu horeeya hawlahaas in dawlad la sameeyo, sababtoo ah dawladdan waxay muddo xileedku ka dhammaanaysaa 26-ka June 2015,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Hogaamiyaha Ucid waxa uu jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo yeedhay markii uu safarka usii anbobaxayey Itoobiya “Madaxweynuhu markuu hadlayay wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay. Waa run oo sharci buu leeyahay, dastuur buu leeyahay laakiin maaha dastuurku in wixii isaga taabanayana uu ka boodo wixii kalena sheego maaha. Dastuurku wuxuu leeyahay 5 sannadood ayaa madaxweynaha la dhaariyay, 5-tii sannadood way dhammaadeen. Hadda wixii ka dambeeya dawlad midnimo qaran in la dhiso ayaa loo baahan yahay”

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dawladdaas lagu midaysan yahay ka shaqayn doonto hirgalinta diwaangalin fiican,sidii sharciyada doorashada loo samayn lahaa,sidii komishanku dib u eegis ugu samayn lahaa goobaha codbixinta oo 6 sannadood ka hor la sameeyay, sidii dib u eegis loogu samayn lahaa dastuurka oo keenay muranno aanu ka gar niqin.

Eng Faysal, ayaa intaasi ku daray “Waxaa loo baahan yahay in arrimaha bariga iyo galbeedka si dhab ah loo soo afjaro.haddaan arrinta Boorama,Buuhoodle,Taleex ama Saax-dheer aan la dhammayn doorashada ka hor dee waxa weeye dalku wuu kala qaybsan yahay.markaa waa in arrintaas la soo afjaro oo si dhab ah loo galo.”

Hogaamiyaha Ucid waxa uu soo jeediyay in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia “Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia,maadaama aanay xagaas dawladi ka jirin, maadaama xukuumadda Xasan Sheekh hadda ku hawlan tahay waxyeeladda Somaliland oo aanay wada hadal u jeedin, maadaama aanu aragno in shaadhkii Soomaali loo tolay u gali waayay oo ay fashilantay Somalia oo maamul goboleedyadii fashilmeen, oo uu noqday shaadh qolo kaliyi soo tolatay oo uu qoladii soo tolatay mooyee intii kale leekaan waayay.markaa inta xukumaddan sidata buuggii Somalia ee ku hawlan qayb-qaybinta Somaliland iyo inay iska horkeento waxaa loo baahan yahay in wada hadalka la joojiyo” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.