WorldRemitAds

Suldaan Cali Maxamed Cabdiraxmaan

Ugu horayn waxaan halkan maanta fikradayda kaga dhiibanayaa warshada Berbera ee khilaafku ka taaganyahay .

Warshadaas waxaan fikirkayga kaga dhiibanayaa in marka ugu horaysa magaca shirkada iyo board-kaba la siiyo deegaanka Berbera gaar ahaan beesha Ciise Muuse shaqaalahana waa in la siiyo boqolkiiba todobaatan cidii ay doonaan iyagu wax haka siiyaane.

SomlegalAds

Share-ka warshadana waa in inta badan iyaga la siiyaa. Talada warshada waa in  iyaga loo ogolaadaa Berbera deegaanka degeni waa 1,2,iyo 3. Lanber 1-ku waa Ciise Muuse, 2 waa Muuse Cabdalekan 3-aad-na waa Abtiyaashay. Sidaa awgeed dadka leh Berbera maal gashibaa loo diiday way qaldan yihiin cid loo diidi karaana ma jirto, waxase laga hadlayaa waxa weeyi qorshe deegaan, tusaale ahaan waxaan imika idiin sheegayaa hadaan tago Gabiley oo ehelkaygiina yaalo hadaan wax weyn ula tago qorshaha iyagaan isu daba taagayaa deegaan ahaan ,hadaan Caynabo tagana  oo aan wax wayn la tagana cid ii diidaysaa ma jirto hase yeeshee waxa qorshaha laysku daba taagayaa cida meesha dagan, qoyska Berberana dee sidaa si leeg ha laysku daba taago  yaan Eelukobtar Doollar saaranyahay dusha lagaga soo dajine ha la is xaqdhowro. labada Maxjar ee Berbera ka furan Reerku ma leh, Xawaaladna Berbera kuma leh, isgaadhsiina ma leh warshada istanbarka iyo rinjiga samaynaysa ee buuralaydana ma leh, waxa kaliya ee Reerka ku soo hadhay waa Warshada Sibidhka qorshaheeda rasmiga ahna haloo daayo reerka, iyaguna waxaan hubaa inay share wanaagsan bixin doonaan, waayo marka la qiimeeyo iyaguna Dadka way qiimayn doonaan, haddiise la qiimayn waayo dee cid ma qimaynayaan.

Odayaasha Beesha iyo Aqoonyahanka ka talinaya warshada iyo wixii kale ee la mid ah ee maalgashi ah cida ay doontoSomalilandha ahaatee waa inaad soo dhawaysaan wixii qorshihiina deeganimo ogol.

Wixii qorshihiina deeganimo diidan haka yeelina, Odayaasha Burco, Qoyta iyo Berbera ka hadlayana waxaan leeyahay cid maalgashi loo diiday ma jirto, waxaad hadalkiinii ku celceliseen Berbera halamaal gashado dadkana yaan loo diidin, hase ahaatee cid loo diiday ma jirto ee waxa laga hadlayaa waa qorshaha deegaanka iyo in xeerka meesha degan la xaqdhowro, waxaan idin sheegayaa marka aad hadlaysaan hadalkiina ka fiirsada oo gurigiina iyo deegaankiina danbi aanay lahayn haku calaamadinina.

Waxaan maqlay in dhulka buuralayda ah ee Qalabka Sibidhku yaalo khilaaf ka dhacy qolana kaabado ku samaysay qolana ka burburisay.

Hadaba, waxaan idiin sheegayaa halka sarwada umadu taalo mid deegaana iyo mid aan ahayn inaan midkoodna kaabadayn Karin, degina Karin halka macdan ku jiro iyo halka Shiidaal ku jiro iyo halka Qalabka  Warshaduhu yaaliin midna in aan cid la siin Karin.

Sababtoo ah markay warshaduhu yimaadaan Dhagaxa ma ninka iibsaday ayaa dib looga iibsanayaa, jawaabtu waa maya.

Dhamaan waxaan aqoonyahanka iyo odayaasha kula talinayaa inaad  tafaraaruqa iska daysaan oo meel isugu tagtaan oo ka wada talisaan. sidaas ayaad guul  ku gaadhi kartaaan, Waxaan leeyahay raga qorshaha reerka ka leexsanow ha ceeboobina yaanay shaambadi idinku dhicine mana aha waxaan ka hadlayaa qabyaalad ee waa danta iyo qorshaha deegaanka ninka ka baydhaana wuu qaldanyahay.

Waxaanan idin leeyahay waxaad ku biirtaan Muuse Xirsi Muuse Dalab iyo inta la socota iyo Maxamed Cabdillaahi Muuse iyo inta la socota.

SuldaanCaliMaxamed Cabdiraxmaan

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.