WorldRemitAds

Shaah ama Shaahu waxa uu ka mid yahay, cabitaanada ugu caalamisan inta badana umadaha dunidu ka siman yihiin, cabistiisa, wallow habka loo samaysto iyo xiliyada la cabaa kala duwan tahay, shaahu waa sharaab dabiiciya oo qadiim ah, mana laha dhibaato caafimaad, hasa yeeshee sida loo karsado iyo waxyaabaha lagu darsado ayaa keeni kara in haddii wakhtiyada qaarkood la cabo dhibaato caafimaad ka dhalan karto.

Daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa haddaba ka digtay halista uu yeelan karo, koob shaah caano badan iyo sonkor lagu wada daray, haddii qofku afurka ka danbaysiiyo, waxaanay warbixintan caafimaad daaha ka rogtay dhibaatada uu leeyahay shaaha afurka laga danbaysiiyo gaar ahaan marka caano iyo sonkor badan lagu kariyo.

SomlegalAds

Be the first to know – Follow us on Twitter @Saxafi

Baadhitaankan caafimaad ayaa lagu ogaaday in qofku marka uu maalintii oo dhan soomanaado, ee la gaadho gabal dhaca naftiisu u baahan karto inta badan, sharaab iyo cabitaan, taas oo ka dhalanaysa baahida jidhka oo laga yaabo in dhidid badani ka baxo maalintii ama uu dareemo qalayl, haddaba waxa caado xun ah in qofku cuntada deg deg u cuno ka dibna sharaab kala duwan raaciyo kana danbaysiiyo shaah caano leh.

Daraasadan ayaa sheegtay in haddii qofku sidaa sameeyo uu la kulmayo dhibaato caafimaad oo haleesha, gaar ahaan wadnaha iyo tamar daro ku dhici karta, sida Warbixintan oo muddo dheer la samaynayay lagu ogaaday marka qofku cunto iyo cabitaan badan is raaciyo ka dibna ka daba geeyo shaah caano leh, waxa markiiba dhiigiisa gasha duxda dhiiga ku beeranta ee Cholesterol-ka loo yaqaan, maadadani waxa ay u beerantaa si ka deg deg badan xiliyada kale aanu qofku soomanayn.

Sida baadhistan caafimaad lagu ogaaday shaaha oo faa’iidooyin badan oo caafimaad leh, wakhtiyada kale, waxa afurka dabadii haddii la cabo uu yeeshaa dhibaato caafimaad, laakiin waxa uu qofku cabi karaa shaaha laba saacadood ka dib marka uu afuro, taas oo caafimaadkiisa wax ka tari karta.

Laakiin hadii uu qofku cabo isla marka uu afuro ama goobta afurka dushiisa uu ku cabo, waxa dhici karta in macdano badan iyo baruur jidhku sameeyo taas oo sababi karta in dhiigu dux faro badan yeesho ka dibna hab dhiska wareega jidhku sidii caadiga ahayd u shaqayn kari waayo.

Waxyaabaha ka beermi kara shaah caano leh oo afurka dushiisa lagu cabo ama la raaciyo afurka, ayaa sida warbixintan caafimaad sheegtay waxa ka mid ah, in jidhku iska saari kari waayo suntan dhiiga gasha ee subaga ku beerta ee loo yaqaano, (Toxins), waxa kale oo jidhka ku bata baruurta iyo maadooyinka metalka loo yaqaano (Melt iyo Fats).

Jidhka ayaa sidoo kale awoodiisu yaraataa, taas oo ka dhalata unugyada dhiiga cad cad ee difaaca oo ku hafta tirada badan ee borotiinka soo dhex galay, waxaan inta badan dhacda in firfircoonida qofku yaraato, sidoo kale waxa laga yaaba in madax xanuun iyo lalabo uu qofku dareemo una maleeyo in matag hayo.

Waxa kale oo suura gal ah in qofku dareemo qandho ama u maleeyo in margiyada iyo xubnaha jidhku xanuunayaan, taas oo ah natiijo ka dhalatay khalkhalka ku dhacay habka wareega dhiiga, sidoo kale waxa iyaguna la mid ah marka qofku wakhtiga afurka qaato cabitaano sonkortu ku badan tahay iyo cuntooyinka saliida lagu shiilo, sida saanbuusaha, quraaca iyo waxyaabaha kale ee la shiilo.

Dhamaan cuntooyinka la quuto wakhtiga afurku waa kuwo u muhiim ah jidhka, waayo? Jidhku waxa uu dhawr iyo toban saacadood ka qatanaa cuntada iyo cabitaanka, sidaa awgeed dhamaan qaybaha kala duwan ee jidhku waxa ay isku diyaariyaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen hoos u dhaca ku yimi intii uu cabitaanka iyo cunista ka maqnaa, sidaa awgeed waa lagama maarmaan in loo meel dayo oo laga taxadiro cuntooyinka iyo cabitaanada la quudanayo.

Qofka waxa macaan kaga filan, cuntooyinka iyo cabitaanada dabiiciga ah, sida timirta, liin macaanta iyo khudaarta kala duwan wixii uu ka helo, waana in uu ka fogaado quudashada cabitaanada sonkorta badan leh ama kuwo borotiinka badan sida shaaha caanaha leh oo marka sonkorta, caanaha iyo shaaha la isku dhex kariyo ama iyaga oo kulul la isku wada daro, ka dibna falaash lagu shubo isku rogi kara kuwo hodan ku ah, borotiinka ama dux badan dhalin kara.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.