WorldRemitAds

Washington, USA, May 28, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in diyaar garawga shir madaxeedka uu Singapore kula yeelan doono hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi 12-ka Juun, uu si fiican u socdo.

Hadalkiisani waxa uu soo baxay ka dib kulan kedis ah oo dhex maray madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, iyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, tuulada Panmunjom oo ku taala soohdinta labada dal.

SomlegalAds

Isagoo warfidiyeenka kula hadlayey magaalada Seoul, ayaa Madaxweyne Moon waxa uu sheegay in Kim Jong-un uu muujiyey rabitaan ah in is maandhaafka taagan lagu soo af-jaro shir madaxeed midho dhal ah oo uu la yeesho Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhankiisa ka badhi furay kulan madaxeedkii qorshaysnaa ee la filayey inuu bisha dambe la yeesho hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Warqad uu u diray Kim ayuu Trump ku sheegay in aanay haboonayn inuu kulankaa la yeesho, waxaanu ku sababeeyey waxa uu ku tilmaamay cadhada xoogga leh iyo colaadda muuqata ee uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku muujiyey hadalladii dhawaan ka soo soo baxay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay suurto gal tahay in kulankoodaasi qabsoomi karo laakiin waxa uu uga digay Pyongyan waxa uu ku sheegay falalka “doqoniimada” ah.

Go’aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay xeradii ay ku tijaabin jirtay nukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin heshiis oo ay dhabbaha ugu xaadhaysay shirmadaxeedkaas.

Maamulka Trump waxa uu ku nuuxnuuxsanayey maalmihii la soo dhaafay in Kuuriyada Woqooyi aanay si waafiya ugu diyaar garoobayn shir madaxeedkaas taas oo qudheedu abuuraysay shaki ah in kulanku hadiiba uu dhaco ay waxa togani ka soo bixi doonaan.

Maalmihii u dambeeyay labada dhinacba waxay ka digayeen in laga yaabo in dib loo dhigo amaba la baajiyo kulanka ay Trump iyo Kim u ballansanaayeen 12-ka Juun.

Pyongyang ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay ka fiirsan doonto kulankaa haddii uu Maraykanku ku adkaysto in Kuuriyada Woqooyi oo keli ahi tanaasusho oo ay tirtirto hubkeeda nukliyeerka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.