WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, April 15, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in Xogahayaha guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uurcade ay ka qaadeen xilkii iyo xubinimaddii xisbigaasba.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxa maalmahan ka dhex jiray khilaaf u dhexeeya gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi.

SomlegalAds

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed Uur-cade ayaa eeddo u soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga WADANI, waxaanu sheegay in loo baahan yahay isbedel ku dhaca xisbiga si doorashooyinka soo socda uu guul u gaadho, taasina waxay keentay in uu khilaafkii cirka isku shareero.

Xubno lagu sheegay Guddida fulinta ee xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayey gudoomiye Cirro ayaa shalay shir degdeg ah iskugu yimid, waxaanay sheegeen inay xilkii iyo xubinimadii xisbigaba ka saareen xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Uur-Cadde. “Xoghayaha guud ee xisbiga Uur-cade wuxuu isku direy deegaanno iyo xisbiga, iyo siyaasiyiin iyo xisbiga, waxaa kale oo aad ka war qabteen in go’aamo uu ka soo saaray xisbigu arrintii saldhiga Militari ee Imaaraadka uu ka hor yimid, xoghayaha guud wuxuu jabiyey xeerkii xisbiga, waxaanu dadafeeyey go’aamadii guddida fulinta, waxaanay dood dheer ka dib cod gacan taag ah xilkii kaga qaadeen xoghayihii xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uurcade”ayuu yidhi  gudoomiyihii xisbiga Cabdiraxmaan Cirro.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii gudoomiye Cirro uu xoghayaha u soo jeediyey inuu xilka ku wareejiyo masuul kale, haseyeeshee uu xoghayuhuna ka hor yimid inuu xilka wareejo, maadaama oo uu ku dooday in golaha dhexe lagu doortay ay xilka ka qaadi karaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.