WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 6, 2019 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ah ku hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland xasuusiyey inay ka faa’iidaystaan khayraadka bisha Ramadaan, dhexdooda isu naxariistaan oo is caawiyaan, “Ummadda islaamka oo dhan gaar ahaan ummadda Somaliland waxa aan ku hambalyeynayaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo haddii Eebbe yidhaahdo berri inoo bilaabmi doonta. Waa bishii cibaadada, waa bishii Qur’aanku soo degay, waana bil barakaysane Ilaahay khayrkeeda ha ina siiyo, wixii shar ahna Alle ha inaga xijaabo. Ummadda waxan xasuusinayaa bisha Ramadaan barakadeeda in sida Diinta islaamku ina fartay in la isu naxariisto, sadaqada la bixiyo, dadka jilicsanna wax la taro, ka wax hayaana waa inuu xasuustaa ka baahan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

SomlegalAds

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa bulshada Somaliland ku bogaadiyey sida ay qarankooda u dhisteen, isku-duubnida iyo midnimada ay muujiyeen iyo sida ay deriskooda u xaq-dhawreen, isaga oo ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland oo ku ammaanan sida ay qarankooda u dhisteen, ummad adag oo birlab ah oo ku dhawaad Soddon sannadood kaligood is waday iyaga oo aan caalamka wax aqoonsi ah ka haysanin, dalkoodii dhistay, aduunkii si fiican ula dhaqmay, nabadgelyo gudahoodii ka sameeyey, jaararkoodana nabadgelyo kula nool, in badan oo adduunka kamid ahina majeeranayso habka ay u shaqaystaan, shacbigana waxan leeyahay taas halkaas kasii wada.”

Ciidamada kala duwan ee qaranka, ayuu sidoo kale madaxweynuhu si mug leh u ammaanay, isaga oo ku dheeraaday sida xilkasnimada leh ee ay dalkooda iyo dadkoodaba naftooda ugu huraan, “Waxan bogaadin, ammaan iyo qaddarin u dirayaa ciidamada qaranka Somaliland ee kala duwan oo dhammaantood waajibkooda si qarannimo ah u gutay, dalka difaaciddiisa, sugidda amniga, ilaalinta nafta iyo hantida shacbiga Somaliland meel ay joogaanba, iyaga oo  hadh iyo habeen u feejigan, naftoodana u hura, ku Iimaan qaba, kuna caloolsan inay dalkooda naftooda u huraan” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.