WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, September 23, 2018 (Saxafi) – Shacbiga Somaliland iyo qaar ka mid ah madaxdooda ayaa jawaabo isku dhaw ka bixiyay Haddal ka soo yeedhay xukuumadda Somalia, kaas oo lagu sheegay in hamiga dawladda Somalia yahay in Madaxweyne Farmaajo ka dego Hargeysa.

Hamiga Dawladda Somalia Waa In Farmaajo Ka Dego Hargeysa
Raysal-Wassaare ku xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Hamiga ugu weyn ee ay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya leedahay waa in madaxweyne Farmaajo uu ka dago magaalada Hargeysa

Raysal-Wasaare ku xigeenka Somalia


Hadalka jawaabta keenay

SomlegalAds

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka shaqeynayso qorshe ay doonayso in dib loogu bilaabo wada-hadallada ay la galaan jamhuuriyadda Somaliland.

Raysal-Wassaare ku xigeenka maamulkaas Mahdi Maxamed Guuleed, oo wareysi siiyay Universal TV ayaa ku dooday in wadahadalka dawlada Somaliland iyo Somalia markan noqon doono mid ay dardar geliyaan,  “Wadda hadaladii Somaliland iyo dawlada Soomaaliya oo wajiyo badan soo yeeshay, waxa hada naga go’an inaanu dar dar gelino oo aanu dib uga shaqayno, waxaana jiray qorshe ay bishii March iskugu iman lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi si dhiig cusub loogu shubo wada hadalka, jadwal cusubna loo sameeyo, waanay naga go’an tahay mar walba inaanu sii wadno wada hadalka Somaliland.”

Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa oo hadalkiisii sii wata ayaa intaas raaciyey “Hamiga ugu weyn ee ay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya leedahay waa in madaxweyne Farmaajo uu ka dago magaalada Hargeysa, Sidii uu raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uga dagay Asmara mar kasta oo ay suura gal ka tahay walaalaheen reer Somaliland inay madaxweyne Farmaajo u furaan inuu Hargeysa ka dago oo uu la fadhiisto lana sheekaysto madaxweyne Muuse Biixi”

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Somaliland ay u furan tahay inuu tago magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaanu yidhi “Waxa kale oo uu albaabku  mar walba u furan yahay madaxweyne Muuse Biixi inuu Muqdisho yimaado marka uu doonana ka soo dego, anagana dhankayaga waa ka diyaar haddii ay suurta gal noqoto in walaalahayaga reer Somaliland ay ogolaadaan inay marti galiyaan madaxweyne Farmaajo.”.”Waxaan xoojin doonnaa wada hadalka, hadda xidhiidhka aanu la leenahay Somaliland waa mid wanaagsan. Waxaan ka shaqaynaynaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtogalka ah in dib loo billaabo “ayuu yidhi Mahdi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka mid ah dhalinyaradda waqtigan sheegata inay ka soo horjeeddaan madaxbanaanidda Somaliland ayaa waxaa  uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Somaliland ay si xor ah uga wada xaajoon doonaan arrimaha taabanaya labada dhinac, gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan ee labada dhinac isku hayaan.

“Waxaan diyaar u nahay in aan miiska isagu nimaadno, oo aan dhageysano cabashooyinka walaalaheena Somaliland, Soomaaliya ma awoodi karto inay kala tagto, waxaan nahay walaalo,” ayuu yidhi Mahdi.

Labada dhinac ayaa ku kulmay London, Imaaraadka iyo Turkiga xilligii ay jireen dawladihii ka horeeyay tan Farmaajo, inkastoo aysan jirin heshiis dhameystiran oo laga gaadhay arrimaha xasaasiga ah.

Wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay bishii February ee sanadkan in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmayaan Jabuuti, kadibna wadahadalka dib loo furayo.

Wadahadalka la filayay iyo Kulanka Farmaajo iyo Biixi ayaa baaqday kadib markii Somaliland ka biyo diiday sidda aanu maamulka Somalia u ixtiraammin qodobada heshiisyadii hore loogu gaadhay shirarkii labada dhinac dhexmaray.

Hamiga Dawladda Somalia Waa In Farmaajo Ka Dego Hargeysa
Safiirka Somaliland u jooga dalka Britain, Amb Ayaan Maxamuud Cashuur

Abiy Ahmed kama degin Eritrea bilaa sabab, balse sheegashadii uu sheeganayey ayuu ka joojiyey

Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska


Jawaabaha

In kasta oo aanay Xukuumadda Somaliland si rasmi ah uga jawaabin, haddana markiiba shacbi weynaha iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranka ayaa baraha bulshadda ku wadaagay arragtidooda ka dhanka ah hadalkan. Waxaana madaxda barta xidhiidhka bulshada ee Facebook hadalkan ku naqdiyay ka mid ah Safiirka Somaliland ee waddanka Ingiriiska Amb Ayaan Maxamuud Cashuur oo tidhi “Khadarow, Abiy Ahmed kama dagin Eritrea balaa sabab, sheegashadii uu sheeganayey ayuu ka joojiyey taas ayaana keentay in la isku faraxsanaado, cilaaqaad cusubna bilowdo. Haddii intaas in le’eg Mogadishu laga helo ‘Somalilandneeey fasax ayaa tahay, kugumana haysano dhulkaaga’. Madaxweyne Muuse iyo madaxweyne farmaajo dan walba oo kale way ka wada shaqayn karaa. Mogadishana annigaaba salaan kugu iman.”

Sidoo kale, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa Marwo Ayaan Maxamuud ku raacay oo yidhi. “Dabcan, dhinac baa tanaasulay ee sabab la’aani maba jiri karto.” Dad badan oo kale ayaa iyana ka qayb qaatay oo sidoo kale hadalkaas naqdiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.