WorldRemitAds

Heer kulka magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa hanfigii iyo kulaylkii ugu xumaa muddo sagaal iyo todobaatan sanadood ah, ku waabariisatay Axadii todobaadkan ugu horeeya sanadka cusub ee 2018-ka, kaas oo sida wakaalada sahaminta sadaasha iyo hawadu ku warantay noqonaya kulaylkii ugu xumaa tan iyo sanadkii 1939-kii ee soo mara magaalada Sydney.

Sida xafiiska saadaasha hawada ee dalka Australia ku waramay, heer kulka magaalooyinka Perth iyo Sydney ayaa gaadhay 48.1 digrii, taas oo noqonaya kulaylkii ugu xumaa ee soo mara magaalooyinka tan iyo sanadkii 1939-kii.

Xaalada ugu daran ee kulaylka iyo hanfiga ayaa ka dhacay garoon kubada kirikitka lagu ciyaarayay oo labo kooxood oo dalkaas ka dhisani fooda isku dareen, halkaas oo heer kulku gaadhay 57.6 digrii, kaas oo noqonaya kii ugu sareeyay ee abid laga diiwaan geliyo dalka Australia.

SomlegalAds

Dhinaca kale waxa kaymaha waaweyn ee dalkaas badankooda ka huray dab, kulaylka daran ee dalkaas ku habsaday sababay, waxaana maalmihii ugu danbeeyay si wayn daminta dabka kaymaha ka kacay ugu mashquulsanaa kooxaha la dagaalanka dabka ee Dab Damiska loogu yeedho.

Kulaylkan daran ee dalka Australia ku dhuftay ayaa qayb ka ah is badalada cimilada dunida ku dhacay, oo sanadihii ugu danbeeyay ka sii darayay, meelihii ugu kululaa duniduna ay qabow badan dareemayaan, halka dhulkii qaboobaha ahaana kulaylku heer aan la saadaalin Karin ka gaadhay.

Dadka badankooda ayaa ku ururay oo magansaday meelaha baraagaha iyo harooyinka dalxiiska loo tago, si ay hanfiga iyo kulaylkan aanay noociisa oo kale hore u soo marin ay uga yara qabowsadaan, waxaana mashquul noqday meelaha biyo qabatinka ah, halkii awal maqaaxiyaha iyo meelaha lagu caweeyaa ay ka ahaayeen kuwo dadku ku ururaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.