WorldRemitAds

“Halkan Boqolaal Qof oo danyar ah ayaa ka shaqaysanayey, qaar baa laba xaas ku biilinayey, waxaana loola dhaqmay sidii Yuhuudda” Mid ka mid ah ganacsatadii la burburiyey

Hargeysa, Somaliland, March 01, 2012, (Saxafi) – Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo wasaaradda arrimaha gudahaSomalilandayaa shalay badhtamaha magaaladda Hargeysa ka fuliyay hawl-gal khasaare naf iyo maalba leh keenay.

Hawl-galkan oo kii ugu balaadhnaa ee dawladdu ku doonayso inay ku banayso Jidka halbowlaha ah, waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxaana ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska. Ololahan oo bilaabmay salaadii subax ee shalay ayaa waxaa lagu burburiyay Meheraddo badan oo lagu iibiyo badeecado kala duwan, kuwaasoo  teedsanaa wadada Dawladda Hoose illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa.

SomlegalAds

Ciidamadda Booliska ayaa rasaas xoog leh ku furay, qaar ka mid ah ganacsataddii wadhatadda ahayd ee laga dumiyay meheraddaha oo ka gadooday Hawl-galkan.

Waxa ciidanka Boolisku rasaasta ay rideen ku dhintay Cabdi Axmed Aadan oo 40 jir ah sida ay shalay galab xaqiijiyeen maamulka cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa. Sidoo kale, waxay maamulka cisbitaalka guud sheegeen inay la tacaalayaan Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa dad ku dhaawacmay hawl-galkan. “Dad masaakiin ah ayaa cagta la mariyey oo hantidoodii halkaasi ku burburtay, waxay ahayd in intaan la burburin dadka la meeleeyo oo ganacsigoodda meel loo dhigo, balse iyagoo aan meelna loogu bedelin ayaa hantidooddii sidaas loo galay, hanti badana meesha waa lagu burburiyey, ummad dhan ayaa xoolahooddii lagu ciyaaray ” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadkii ka ganacsan jiray goobahan la burburiyey. “Halkan shan boqol oo qof ayaa ka shaqaysanayey, qaar baa laba xaas ku biilinayey, waa dad dan yar ah, waxaana loola dhaqmay sidii Yuhuudda, wasiiro qurbaha ka yimid oo caruurtoodiina dibadaha u joogaan ayaa ummadan walaaqay oo sidaas u galay oo baabiyey, wax loogu bedelay iyo qorshe ma jirto”sidaasna waxa yidhi mid kale oo ka mid ah dadkii ganacsigooda laga burburiyey oo aad u cadhaysan.

Haseyeeshee, maayarka magaaladda Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa hawlgalkan lagu banaynayey wadooyinka ku sheegay mid lagu habeynayo bilicda caasimadda. “In badan ayaa loo sheegayey oo guddida bilicda magaaladdu waxay u qabatay wakhti, cid laami inay ku ganacsato sharci u lehina ma jirto, looma ogola cid faras magaaladda ku ganacsata, waxaanu samaynay 13 sariibadood oo magaaladda ah cid tagaysaa ma jirto, imikana meelo ayaanu u banaynaynaa waa inay halkaasi tagaan”ayuu yidhi Maayar Jiciir oo warbaahinta kula hadlayey goobtii la burburinayey. Waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi. Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay hawl-galkan ayaa waxaa uu yidhi. “Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraafkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala, waa in waddooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihi waa dadka dhismayaasha leh oo cid hor degta lama rabo.”.

Isagoo ka hadlaya labadda qof ee Xabadu ku dhacday waxa uu yidhi “Ciidanka ayay kala horyimaadeen xabaddo, taasina waa nabadgalyo daro, ciidankuna wuu ka jawaabay oo laba qof ayaa dhaawac ah, xaga Bileyskana dhaawac fudud ayaa soo gaadhay”.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka Meheradaha laga burburiyey ayaa sheegay in wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) uu doraad meheradaha qaarkood soo maray isla-markaana u sheegay inay ka guuraan hareeraha jidka wadnaha Hargeysa. Waxaana ay ku doodeen in ay u baahnaayeen waqti badan oo ay kaga diyaar-garoobaan khasaaraha loo gaystay oo ay ku tilmaameen kuwo aanay ka soo kaban karrin, maadaama ay yihiin dad maxaysato ah.

Ka sokow dadka meheradaha lahaa qaar ka mid ah shacabka magaaladda iyo aqoonyahanka kale ayaa ka hadlay arrintan. “Sida dadkan loo galayaa si maaha, inta aan dhakhtarnimada baranayey waxay ahayd inaan Looyar ummadda masaakiinta ah u dooda noqdo, bal ummaddan shaqadooddii lagaga ciyaaryey ee camal la’aanta la dhigay eeg, iyadoo markii horaba shaqo la’aani buuxdo ayaa maanta kuwa shaqaysanayey qorshe la’aan loo burburiyey, iyadoo wax loogu bedelayna aanay jirin, marka walaalayaal (warbaahinta) dadkan u dooda oo wax u qabta siyaasad uun ha wadana’e arrimahan wax ka qora, miyeyna dawladani ogayn in inan yar oo Kaaryoore laga tuuray uu Carabta baabi’iyey  oo dalal dhan la inqilaabay ” sidaas waxa Wargeyska Saxafi ku yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirta Hargeysa oo ka shaqeynayay dhaawacan, Islamarkaana ka cadhaysnaa sida loola dhaqmay ganacsatadan yar yar.


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.