WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 30, 2015 (Saxafi) – Magaalo Madaxda Somaliland ee Caasimadda Hargeysa ayaa lagu caleemasaaray munaasibad si weyn loo soo agaasimay Caaqil Abiib Xasan Libaax, kaasi oo noqon doona Caaqilkii ugu horeeyey ee Qoomiyadda ama Qabiilka Beesha Jaarsaddu Hargeysa ku doorato ee ka mid noqon doona Madax dhaqameedka reer Somaliland.

Caleemo Saarka Suldanka Jaarso (2)Xafladda Caleemo Saarka ee lagu doortay Caaqilkan Cusub ee ay yeelan doonto Qoomiyadda Beesha Jaarso ee  Caaqil Abiib Xasan Libaax, ayaa lagu qabtay Huteel Crown ee Magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qeybgalay Xafladda Balaadhneyd ee loo sameeyey Caaqilkaasi, Madax dhaqameed tiro badan oo ka mid ah Salaadiinta Magaca leh ee reer Somaliland iyo waxgaradka, Odayaasha, Dhalinyarta iyo aqoonyahan Jaaliyadda Caaqilka Cusub dooratay ee Beesha Qooyimiyadda Jaarsadda ee  Somaliland ku dhaqan.

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo isagu ugu horeyn ka hadlay Xafladdan Caaqilka Cusub lagu caleemo saareyey ayaa hadalo guubaabo iyo dardaan iskugu jiray halkaasi ka sheegay waxaanu yidhi “Horta Lixdii Beelood ee Jaarso meel kasta oo ay joogaan oo Bari,galbeed, Waqooyi iyo Hawd mid kasta ha joogaane way ku dhameystiran yihiin xafladan oo way joogaan oo waxay raali ka yihiin in Caaqilka Beesha Jaarso ee Somaliland ay na la doortaana, Caaqilkan cusub ee Caaqil Abiib Xasan Libaax Illaahay waxaanu uga baryeynaa in uu noqdo ka dalkiisa iyo umaddiisaba anfaca oo Caaqilku waa nabdgelyo oo Caaqilku waa oday oo Caaqilku waa mid nabadgelyadda umadda iyo dalka ka shaqeeya”

SomlegalAds

Caleemo Saarka Suldanka Jaarso (1)Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi(Dakhare) oo isaguna ka mid ahaa Madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii ka qeybgalay Xafladda Caleemo Saarka Caaqilka Cusub ee Beesha Jaarso magaaladda Hargeysa loogu Caleemo saaray waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta Xafladdan ka soo qaybgalo lagu caleemo saarayo Caaqilka Beelaha Jaaraso oo ka soo jeeda sidii laga sheekeeyey Beelaha Jaarso , waxa kale oo aan aad uga hamad celinaya Sheekhal Beledka Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo isaguna taariikh fiican ka soo sheekeeyey kolka Caaqil Abiib Xasan Libaax waanu soo dhaweynaynaa oo deegaanka iyo Madaxtimo ayaanu ku soo dhaweynaynaa oo waxaanu kugu soo dhaweynaynaa bulshaddada faraha badan ee meel kasta ku nool”

Caaqil Abiib Xasan Libaax oo ah Caaqilka la Caleemo saaray ah oo halkao halkaasi ugu dambeyntii ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa dawladda Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland iyo Salaaddiinta iyo Ugaasyadda iyo Boqoradda iyo dhamaan bulsho weynta reer Somaliland aniga oo si gaar ah ugu mahadnaqaaya Fanaaniinta iyo warbaahinta oo markii hore aan ka tirsana ee ka soo qayb gashay Cafladda Caleemo saarkayga, waxaan kale oo u mahadnaqayaa Beesha Beeshayda laftooda oo si balaadhan Caleemo saarkeyga, waxaan leeyahay waxaan idiin hayaa Abaal oo aniguna Abaalka ay Somaliland oo dhami ii gashay waan ogahay oo kolay cida Abaalka ugu balaadhan bulshaddani u gashay ee laga sugaaya waa aniga”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.