WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 2, 2015,(Saxafi) – Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa xalay si rasmi ah u furey tartanka Bisha Ramadaan Ee Kubadda Kolayga (Basket Ball) oo loogu magac daray Alle ha u naxariiste Xoghayihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo shil gaadhi ku geeriyooday Bishii 28 December 2014-ka.

Noqo ka u horeeya ee hela xog – La soco [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Xafladii furitaanka ee loo sameeyey tartanka bisha Ramadaan oo xalay lagu qabtay Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacade ayaa waxa soo qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Yuusuf  Cismaan Garas, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa(Wadka),La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Arrimaha Saxaafadda Khadar Cali Gaas, Gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Ciyaartooy, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Guddoomiyaha Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacade Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo halkaasi ka  hadlay ayaa waxa uu sheegay in Koobkan loogu magacdaray Alle ha u naxariiste Xoghayihii hore ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, isla markaana ay ka qeybgalayaan 8-Kooxood oo kubadda Kolayga ah, “Waxaan halkan uga ,mahad-celinayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu bixisay Laydhka lagu shiday Garoonka Kubadda, waanay ku mahadsan tahay, Isla markaana waxa uu ka codsaday Shirkadaha Ganacsiga inay kaalintooda qaataan oo ay ka shaqeeyaan horumarinta Kubadda gacanta ee Basket Ball -ka,”

Xildhibaan Maxamed Jaamac (Warfaa) oo ka hadlay Xafladii loo sameeyey furitaanka Koobka Kubadda Kolayga ee Bisha Ramadaan ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Salamayaa Cidii soo qabanqaabisay Koobkan bisha Ramadaan sidii caaddada inoo ahayd, ee loogu magac-daray Alle ha u naxariiste Suxufigii weynaa ee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxa kale oo aan u mahad-celinayaa Ciyaartogya sideeda Kooxood ee heerka kowaad ah ee ay Xalay Ciyaartoodu halkan ka furmi doonto. Waxaan halkan ka sheegayaa inay Ciyaartu ahmiyad u leedahay dhalinyarada oo ay ka ilaalinayaan tahriibta, Xag-jirnimada, oo ay ka ilaalinayaan inay suuqa u soo baxaan”

Xildhibaan Warfaa mar uu la hadlayay Xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO ayaa waxa uu ydihi “Waxaaan halkan fariin dheer uga soo jeedinayaa Xukuumadda aan ka tirsanahay  inay ahmiyad weyn siiso dhalinyada, oo haddii dhalinyarada loo agasimi-waayo inay Ciyaaraan oo kooxo loo abaabuli-waayo, inay dhalinyaradu iyagu isku abaabuli doonaan inay noqdaan Kooxaha la yidhaahdo Arsanal,Kooxaha la yidhaaahdo “Indho-Birta” iyo kooxaha la yidhaahdo “Duufaan” oo aynu ognahay dhinta ay maanta inagu hayaan, hadhowna denbi aynu leenahay aynu saari doono oo aynu odhan doono way xumaadeen oo dadka ayay boobayaan”.

 “Markaa waa inay xukuumadu meesha ka kacdo oo ay dhalinayarada Garoono u sameyso, oo ay Kubaddo u geyso, oo ay daryeesho, Xukuumaduun maahe Xitaa Tijaartu waa inay iyaguna masuuliyada isa saaraan, ayaa iyagana ku boorinayaa”.Ayuu yidhi Xildhibaan Warfaa.

Mar uu Xildhibaanku ka hadlayay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxa uu yidhi:“Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Saxaafadda oo kaliya uun kamuu bixin ee waxa uu ka baxay bahda Ciyaartoyga oo waxa uu ahaa nin  dhalinyarada abaabula oo dhalinyarada wax u qabta oo u soo jeeda oo wakhtigiisa ku lumiya”.

Tifaftiraha Wargeyska Saxafi Mustafe Sheekh Cumar Geed ayaa waxa uu ka waramay taariikhda iyo aqoonta uu u lahaa Alle ha u naxariiste Xoghayihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxaanu yidhi “Waxan u mahad-celinayaa abaabulayaasha tartankan bisha Ramadaan ee Kubadda Kolayga, ee loogu magac-daray Alle ha u naxariiste Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo aan odhan karo waxa uu ahaa hormoodkii Saxaafadda, in baddana waan soo wada shaqeynay ka suxufi ahaan, iyo ka Saxaafad ahaan-ba. Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed-rashiid waxa uu kaalin weyn ku lahaa Ciyaaraha, waxaan xusayaa oo kaliya markii la furey Wargeyskan aan Tifaftiraha ka ahay ee SAXAFI, iyada oo aan dhaqaale baddan-ba loo haynin, ayaa waxa uu abaabulay Koox ku Ciyaaraysay Magaca Wargeyska SAXAFI oo uu bixinayay Kharashkoodii. Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed-rashiid doorkiisi Warbaahintu way tebi doontaa muddo dheer oo waana la xasuus-naan doonaa”.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa waxa uu u mahad-celiyay soo abaabulayaasha tartanka bisha Ramadaan ee Kubadda Kolayga ee loogu magac-daray Xoghayihii hore ee Ururka SOLJA Maxmed-rashiid Muxumed Faarax “ Ka SOLJA ahaan waxay noo tahay magac-weyn Koobkan, maadama oo loogu magac-daray Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo hore u ahaa Xoghayihii Ururka SOLJA, dhalinyarada soo abaabushay Koobkan abaal weyn ayaan ugu qabnaa, maadama ay xuseen kaalinta ay saxaafaddu kaga jirto bulshada, inta uu tartankani socdo waxaanu ka noqon doona goob-joog, wixii kaalintayada nagaga aadana waan ka qaadan doona”.Ayuu yidhi

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indhoindho) oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Alle ha u naxariisto Xoghayihii hore ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo loogu magac-daray Koobkan Kubadda Kolay ee Xalay la furey waxa uu ahaa Marxuumku nin fiican oo firfircoon, in Xalay ay dhalinyaradu koob ugu magac-darto aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, waayo dadku haddii aanay dadka xusin qiimo ma yeelanayaan”

 “Garoonkan kubadda kolayga ee Timacade waxa uu caado u lahaa inaanay Askari ilaalin oo ay nabadgelyadooda ilaashadaan inamada kubadda daawanayaa,iyo kuwa Ciyaarayaaba,Sidii caddada idiin ahayd kuwa laga badiyaa waa inay kuwa kale taageeraan. Waxa halkan inala jooga Wasiir Kuxigeenka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ah nin dhalinyaro ah, waxaanan filayaa haddii Wasaaradii la diin keenay nin dhalinyaro ah inaad sidii berigii hore ka fiicnaan doontaan”. Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca arrimaha Saxaafadda Khadar Cali Gaas oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanay inaan ka soo qeybgalo tartankan loogu magac-daray Alle ha u naxariiste Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo door muhiima ka soo qaatay kobcinta saxaafadda Somaliland, waxa uu tiir ka baxay tiirarkii ay saxaafaddu ku taagnayd. Aad ayaan ugu mahad-celinayaa intii soo abaabushay iyo intii gacan ka geysatayba ee suuragelisay in koobka noocan oo kale ah la qabto. Waxaan rajaynayaa Koobka danbe ee loo qaban doono Maxamed-rashiid Muxumed Faarax inay qoladeena saxafaadu ay soo abaabusho halka ay  maanta dad kale ka maalgeliyeen, waxa Fiican inay Saxaafaddu xasuusato dadkoodii ka baxay, ee ay ka midka ahaayeen Maxamuud Maxamuud (Kastan) ee uu ka midka ahaa Siciid Guraase, niman odayaala ayaa inaga baxay sanadkii tagay saxaafadda wa inaynu u duceynayaa cidii inaga baxday bishan Ramadaan”

Tartankan Kubadda Kolayga ee Xalay sida rasmiga ah u furmay waxa uu tartamadii hore kaga duwan yahay waxa ku jirta Koox ka socota Gobolka SAAXIL oo ku Ciyaareysa Bataale

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Xalay wax baddan sheeg ayaan islahaa, laakin markii aan arkay Sawirka Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, markii hore farxad ayaan ku soo talogalay, laakin waxay noqotay Murugo iyo Xasuus baddan inaan dib ugu noqonay, Marxuumka oo ahaa qof qiimo baddan oo farxada iyo wanaaga jecel, oo waxa uu ahaa nin wanaaga ka shaqeeya, Waa bil Ramadaan ee ILAAHAY Maxamed-rashiid qabriga ha u nuuriyo”.

 “Wasaad ahaan hawl baddani way noo taala, Waddankeena warbixintii ugu danbsaysay waxay sheegtay in 70% (Boqolkiiba todobaatan) inay dhalinyaro yihiin,waxaan ku dedaalaynaa wixii karaan-kayaga ah inaan kor u qaadno Ciyaaraha, laakin bulshadeenu waxay Ciyaarah u haystaan inay yihiin madadaalo, laakin maaha madadaalo ee waa meelaha dhaqaalaha laga sameeyo, Ciyaaruhu waxay kaalin laxaad leh ka qaadanayaan inaynu dalka dadka barno oo xitaa Ictiraafka qeyb ayay ka qaadan karaan haddii aan dawlad ahaan la nimaadno waajibka naga saran Ciyaaraha oo dadweynuhuna ay ku taageeraan kolba hawsha la keeno”

 “Runtii waxaad mooda inaynu Kubadda Kolayga (Basket Ball) inaynu ka yara gaabis nahay, oo sida aynu kubadda cagta u xiisayno aanay ahayn, laakinse waxaynu aad u dhiirigelinaynaa inaanu imika dhameystiri doono siyaasadii lagu maamuli lahaa Kubadda Kolayga (Basket Ball), ilaa aynu helno Siyaasad heer qarana oo Ciyaaraha ah oo Golayaashu ansixiyaan way adkaan doontaa inaynu gaadhno hadafka aynu ka leenahay Ciyaaraha, Labada Kooxood ee Xalay Ciyaarayana oo kala ah Kooxda NAGAAD Iyo Kooxda Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Ku Ciyaareysa kii kadiyaaba iyo kii laga badiyaaba hadafkoodii way gaadheen.

Ciyaar qurux baddan oo Xalay lagu furey tartanka Kubadda Koleyga Basket Ball-ka ee Bisha Ramadaan ee Garoonka Timacade ayaa waxay dhexmartay labada Kooxood ee ku kala Ciyaarayay Magaca Wasaarada tamarta Iyo Macdanta Somaliland Iyo Kooxda Ku Ciyaaraysay NAGAAD, kadib mar Ciyaar Qurux baddan oo dhexmartay.

Waxau guushu ku raacday oo badisay Kooxda  ku Ciyaaraysay Wasaarada Tamarta iyo Macdanta oo keensatay 37-dhibcood, halka kooxdii kalena eek u Ciyaaraysay NAGAAD-na ay keensatay 34-Dhibcood, Sidaasna waxay guushu ku raacday Kooxda Kubadda Kolayga ee Wasaarada Tamarta iyo Macanta Somaliland.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.