WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 1, 2012 (Saxafi) – Tartan aad u xiiso badan ayaa shalay ka dhacay Madasha uu ka socdo Mahrajaanka ay qabanayso KMC oo maalintii labaad shalay ka socday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Mahrajaankan ama Bandhigan ayaa isugu jira tartanka Filimada Dikumintariga ah, Sawir-gacameedyada, Sawirada Kamaradaha iyo weliba heesaha Hidaha iyo dhaqantada iyo Gabayda, kaas oo ay soo qabanqaabisay shirkada Kow Media Corp oo xarunteedu tahay Hargeysa.

Farshaxanmiinta ku tartamayey tartanka sawir-gacmeedka ee Mahrajaanka KMC ee Nabadda Munaasibadan shalay ayaa waxaa ka soo qayb galay oo halkaas daawasho u yimi  dadwayne aad u fara badan  kuwaasi oo u codaynaya Filimaanta, Sawir gacmeedyada, heesaha iyo Gabayada, waxaana goobta ka dhacay tartan aad u  layaab leh oo ay koox waliba soo bandhigayeen Xirfadahooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kooxda Sogso, Unuga wadaniyada Somaaliland, Dhaqan Soor, Geediga Nabada, Farshaxamiinta sawir-gacmeedka kala duwan iyo kooxo soo bandhigay Muuqaalo ah filimo Documentary ah.

SomlegalAds

Bandhigan lagu tartamayey ee shalay ayaa waxaa  loo xil saaray in ay ilaaliyaan Natiijooyinka iyo siday Kooxuhu u kala guulaysanayaan Guddi uu madax u yahay Abwaanka Axmed Saleebaan Bide.

Farshaxamiinta sawir-gacmeedka ayaa iyagu soo bandhigay Sawir-gacameedyadii ay maanka ku hayeen iyagoo ku sawirayay Meel  loogu talagalay,  waxaana mid kasta uu sawirayay sawir gooni ah oo ka hadlaya Nabadda, Sidoo kalena waxaa goobta lagu soo bandhigay sawiro lagu qqaaday Kamarado iyo sawir-gacmeedyaba.

Dhanka kale fanaaniinta Geediga Nabada  ayaa iyagu halkaas ku soo bandhigay heeso ka hadlaya Nabada, halka ay koox dhalinyaro ahi halkaas iyaguna ay ku soo bandhigeen Ciyaaraha kala duwan ee hidaha iyo dhaqanka.

Bandhigan oo maanta la soo geba-gebayn doono ayaa la filayaa in lagaga dhawaaqo natiijooyinka kooxaha ku tartamayey sawirada kamaradaha, sawir-gacmeedka, filimada dhokumentariga ah, iyo fankaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.