WorldRemitAds
Haweenay u dhalatay dalka Australia ayaa ka warantay sida fudud ee ay uga taajirtay Imaaraada Dubai oo ay timi, muddo shan iyo toban sanadood ka hor ah, iyadoo shaqo doon ah oo sadex kun oo dollar oo qudha sidata, imikana ka mid ah dadka ugu hantida badan dunida.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Donna Benton, ayaa waraysi ay siisay Majalada Arab Business, kaga warantay is badalka nololeed ee ay gaadhay iyo horumarka dhaqaale ee ay mudo dhawr iyo toban sanadood gudahood ah ay ku samaysay.
Donna Benton waxa ay ka warantay, sababta ay uga timi magaalada Melbourne ee dalka Australia oo ah dalkeedi hooyo, halkaas oo noloshu ku yara adkaatay, ay bilowday shaqo raadis, laakiin markii wax walba ku adkaadeen ay dantu u gaysay inay xayaysiisyada iyo tigidhada bakhtiyanasiibka iibiso, maalin kastana ay tobanaan mayl dhex lugayn jirtay jidadka magaalada Melbourne, hawshaas oo ahayd mid aad u rafaad badan una macaash yar.
p114Ka dibna ay go’aansatay sanadkii 2001-dii inay Dubai u tacabirto oo shaqo ka raadsato, si ay nolol u dhaanta tii magaaladeeda u hesho, waxaanay timi magaalada Dubai iyadoo sadex kun oo dollar wax lacag ah sidata.
Markii ay soo gashay magaalada ayay iyadoo shaqo raadis ku jirta ay dhex lugaysay jidadka waaweyn ee magaalada, si ay sahamin iyo meeshii ay shaqo ka bilaabi lahayd u raadiso, waxaanay sheegtay in markii ay gaadhay jidka Sheekh Sayid ay aragtay, fursad shaqo oo ka banaan, suuq gelinta adeega hudheelada iyo shirkadaha waaweyn ee hawlaha ka wada Dubai.
Shan iyo toban sannadood ka hor, ayaa sheegtay in adeegyada shirkadaha iyo hudheelada magaaladu ahaayeen, kuwo macaamiishu aad ugu yarayd xiligaa, waxaanay dareentay in suuq gelintu ka maqan tahay, oo ay xayaysiis badan u baahan yihiin.
Waxa aan ku noqday ayay tidhi, goob internet-ka laga dirsado, waxaanan ka samaystay, shabakad yar oo qaabilsan adeegyada, suuq gelinta iyo xayaysiisyada shirkadaha iyo hudheeladal, waxaanan bilaabay, inaan dunida oo dhan fariimo u kala diro.
Maan haysan xafiis, gaadhi iyo wax adeeg ah oo aan dadka u qaban karo, laakiin waxan ku kalsoonaa awoodayda, waanay iga go’nayd inaan hawl adag galo.
Waxaan kiraystay tagsi, oo waxaan dhex qaaday hudheelada waaweyn ee magaalada, oo aan wer gelin siiyay, una sheegay inaan hawlo adeeg u samaynayo macaamiishooda, taas oo ah, inaan la xidhiidho dalxiisayaasha iyo dadka ajaanibka ah ee imanaya Dubai, ka dibna aan u diyaariyo hudheelka ugu fiican, meelaha ugu haboon ee ay ka soo dukaansan karaan.
Deg deg iigumay midho dhalin, waxaanan kala kulmay caqabado badan, oo is faham daro badan ayaa iga soo gaadhay, mulkiilayaasha iyo dadkii aan la xidhiiday intaba, sababtoo ah, maan ahayn shirkad iyo cid muuqaal ahaan la aamini karo.
Markii ugu horaysay waxaan ku guulaystay hal qof, waxaanan dejiyay hudheel, may ahayn mid macaash aan ka helay, waxa ii xigay labo qof, taas lafteedu dheef imay lahay oo waan ku beer cadaday uun ayay tidhi.
Markii xaaladu halkaas marayso ee gababsi ay tahay sahaydeedi, wax walbana ku adkaadeen ayay fikirtay, waxaanay sheegtay inay kala dooratay, Inay is dhiibto oo ay ka niyad jabto hawsheedan cusub ee dhibaatada badan iyo inay nafteeda u hurto oo ay dhib kasta oo ka hor timaado ay madaxa u dhigato.
Dedaal dheer ka dib waxa ay ku guulaysatay inay samayso shirkad yar oo ay ugu magac dartay The “Entertainer”, taas oo gaadhsiisay hodantinimada ay maanta ku nooshahay, ayna ka heshay hantideeda aadka u faraha badan, taa soo sida ay sheegtay rasamaalkeedu dhan yahay hal bilyan iyo sadex boqol oo milyan oo dollar, xidhiidh toos ahna la leh shan boqol oo shirkado iyo hudheelo ah, oo dhamaantood bariga dhexe ku yaala, waxaanay sheegtay in bariga dhexe yahay, gobolka boqolkiiba lixdan dakhliga dunidu ka soo baxo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.