WorldRemitAds

Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka ayaa loo ogolaaday, inay shaandhada baasta lagaga miiro fuudka, ee baasta miirtada loo yaqaano ugu labisan karto sida koofiyada oo kale, isla markaana dhamaan waraaqaheedi sharci loogu dhejin karo sawiradeeda ay baasta miirtada ku xidhan tahay Madaxa.

Sida maamuulka gobolka Massachusetts oo sharciga ogolaanshaha haweenaydan siiyay, waxa loogu ogolaaday, tix gelin lagu ixtiraamayo caqiidadeeda ay aaminsan tahay, taas oo sida ay ku doodayso haweenaydani faraysa inay baasto miirto madaxa gashato oo ay meel kasta ku marto.

Lindsay Miller, ayaa ka tirsan atbaacda kaniisada “Flying spaghetti monster”, oo ay ku xidhan yihiin, dadka aamisan caqiidada “Bastafarian”-ka, loo yaqaano, waxaanay sheegtay in marka dadka aaminsan ee timaha dhaqdaa, derajo sare ka gaadhaan diintooda, ay waajib ku tahay inay baasto miirtada ku xidhaan madaxa.

SomlegalAds

p29Haweenaydan ayaa maamulka Maraykanku u sameeyay, waraaqaha kala duwan ee ogolaanshaha wadista baabuurta, aqoonsiga muwaadin-nimada iyo sharciyo kale oo dalkaas laga qaato, waxaana dhamaantood, loogu wada cadeeyay in baasto miirtada loogu ogolaaday sababo diini ah oo la xidhiidha caqiidadeeda.

Sida warbaahinta dalka Maraykanku sheegtay, waxa sharciga dalkaas ka reeban in qofku isagoo madaxa qariyay oo aan la arkayn, uu qaadan karo sharci, haddii sawirkiisu aanu wada muuqan, oo koofiyad ama wax qariya madaxiisa uu xidhan yahay, aan la siin Karin.

Bastavara ayaa sanadkii 2005-tii, diin ahaan looga aqoonsaday dalalka Amerika, waxaana sida la sheegay, diintan oo qaabkeedu yahay diin ka bax iyo in cida aamisani aanay waxba rumaysnayn, waxa sameeyay, nin saynis yahan ah oo lagu magacaabi jiray, Bobby Henderson, oo dhalashadiisu tahay dalka Honduras.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.