WorldRemitAds
Hooyo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa si mucjiso ah ugu badbaaday dhimasho dhakhaatiirtu iyo qoyskeedu isla qirteen, ka dib markii wadnuhu istaagay sida dhimashada lagu yaqaano xaaladeeda iyo muuqaalkeeduba noqday, waxaana haweenaydaas oo wadnuhu istaagay, dhakhaatiirtu ka fara xasheen hawlihii gurmadka ee ay u samaynayeen, taas oo macnaheedu noqonayay in loo diyaarinayay sidii talaagada maydka loogu ridi lahaa.

Haweenay Dhakhaatiirtu dhimasho ku tirisayLaakiin intaan la gayn qolka Maydka ayaa dhakhaatiirtu qoyskeedi gaar ahaan carruurteedi iyo ninkeedi u ogolaadeen inay sii nabad galyeeyaan, balse waxa intii maca salaamaynta lagu jiray dhacday arrin mucjiso ah oo aanay cidina malaysan, taas oo noqotay mid natiijadii murugada lahayd wax ka badashay rejo cusubna abuurtay.
Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriisku haweenay bukaan ahaan loola cararay cusbitaalka Royal Berkshire ayaa muddo shan iyo afartan daqiiqo ah wadnaheedu shaqayn waayay oo si toos ah u istaagay, ka dibna waxa ay dhakhaatiirtu u cadeeyeen carruurtii haweenaydaasi dhashay oo afar ah in hooyadood dhimatay, sidaa daraadeed ay maca salaameeyaan maydkeeda.
Xili sida jariiradu sheegtay ay carruurtu sii nabad galyaynayaan maydka hooyadood ayay dareemeen neef ka soo baxaysa iyo dhaq dhaqaaq kooban, ka dibna waxa carruurtaas la hadashay gabadh kalkaaliso ah taas oo u sheegtay in dhaq dhaqaaqani yahay, mid ka duwan kuwa qofku sameeyo, marka lagu qabto qalabka wadnaha lagu caawiyo, laakiin may noqon xaaladu sidaas ee waxa la galay baadhitaan cusub, kaas oo lagu ogaaday in gabadhaasi nooshahay wallow ay dhakhaatiirtu ka dayriyeen xaaladeeda iyo mustaqbalka sida ay noqon doonto.
Jariirada ayaa warkeeda ku dartay in carruurta ay gabadhaasi dhashay gurigoodi dib ugu noqdeen, habeenkii oo dhana ay ku jireen duco iyo Alla bari, si hooyadood dib ugu soo noolaato, taas oo sidii ay ku ducaysteen ugu dhacday, waxaanay waabarigii markii ay ku soo jarmaadeen cusbitaalkii u yimaadeen hooyadood oo caafimaadkeedu taam yahay una sheekaynaysa sidii wakhtiyadii ay caafimaadka qabtay.
Haweenaydan oo cusbitaalka loo soo dhigay xaalada halista ah ee sababtay in dhakhaatiirtu dhimashadeeda qoraan ayaa subaxnimadii danbana ka baxday iyada oo caafimaadkeedu taam yahay wax dhibaato ah oo ay ka cabanaysaana aanay jirin, waxaanay dhakhaatiirtu ku tilmaameen xaalada gabadhaas mid mucjiso ah oo ka wayn aqoontoodi iyo waxyaabihii caafimaad ahaan ay barteen.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in xaaladan oo kale aanay waligood soo marin, sababtoo ah waxa ay ku taloo galeen in xitaa haddii gabadhaasi noolaato ay gali doonto xaalad miyir doorsoon ah oo ay ugu danbaynta ku dhiman doonto, balse aanay xaaladu sidii ay moodayeen u dhicin ee ay caafimaadkeedi oo buuxaa u soo noqday.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.