WorldRemitAds

Dhacdo layaab iyo xanuun isugu jirta ayaa laga soo wariyay cusbitaal ku yaala dalka koonfurta Afrika, kadib markii haweenay dhimasho lagu qoray oo hawl wadeenada dhakhtarkaasi ay dhimashadeeda xaqijiyeen ay dib u soo noolaatay markii qaboojiyaha Meydka lagu riday.

Haweenaydan ayaa sida warbaahinta dalka Koonfurta Afrika qortay, ku dhimatay shil gaadhi oo ku habsaday, waxaana markii shilkaasi ku dhacay loola cararay cusbitaalka Carletonville, oo ku yaala gobolka Gauteng ee dalka Koonfurta Afrika.

SomlegalAds

Baadhitaano lagu sameeyay ka dib waxa la xaqiijiyay inay dhimatay, waxaana lagu daray dadka aakhiro u hayaamay ee magacooda nolosha laga saaray, laakiin xaalada ayaa is badashay markii dhakhtarka guud ee cusbitaalku u kormeer lagu xaqiijinayo dadka dhintay ee cusbitaalku diiwaan geliyay uu ku sameeyay, qaboojiyaha dadka Meydka ah lagu rido ee dhakhtarka.

Intii dhartarka guud ee cusbitaalku baadhitaanka ku jiray, ayuu arkay haweenaydan oo nool, taas oo uu baadhitaankiisa ku helay, waxaanu amray in degdeg loogula cararo qaybta gar gaarka degdeg ah, halkaas oo sida warbaahinta dalka Koonfurta Afrika ku warantay lagu dawaynayo xaaladeeduna ay ka soo raynayso.

Muran la xidhiidha xaalada haweeynayda ayaa ka bilaabmay cusbitaalka Carletonville iyo shirkada adeega gargaarka degdega u qaabilsan dalka Koonfur Afrika oo lagu magacaabi jiray, “Distress Alert”, taas oo maamulka cusbitaalku ku eedeeyay inay dayaceen nolosha haweenaydan, halisna u galiyeen in iyadoo nool qabri lagu rido.

Hasa yeeshee shirkada ayaa iska difaacday eedayntaa loo jeediyay, waxaanay ku dooday in xaaladaha noocan oo kale, dunida ka dhacaan sida xisaabo laamaha caafimaadku ururiyeen lagu hayana halkii milyan ee xalaadoodba mid noocan oo kale ahi ka dhacdo cusbitaalada adduunka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.