WorldRemitAds

Cadaaddo, Soomaaliya, March 22, 2012 (Saxafi) – Gabadh Ingiris ah oo lix bilood lagu haystay miyiga koonfurta Soomaliya, ayaa shalay madax furasho lagu siidaayey, ka dib markii ay ka hawlgaleen qaraabadda iyo asxaabta gabadhaasi oo u ururiyey lacag lagu sii daayo.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Judith Tebbutt oo ninkeedii hore loo dilay markii la soo afduubayey iyagoo markaa jooga xeeb lagu raaxeysto oo ku taalla dalka Kenya,ayaa waxa rasaastii lagu furay ka badbaaday gabadhan ka dibna waxay soo saareen doon dheeraysa oo ay la soo baxsadeen, waxaanay muddo lix bilood ka badan ku haysteen kaymaha miyiga ah ee badhtamaha Soomaaliya.

Haweenaydan oo shalay laga soo qaaday magaaladda Cadaaddo ee maamul goboleedka Xibin iyo Xeeb, taasoo markiiba loo duuliyey magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo lagu wareejiyey shirkad amniga qaabilsan oo aan magaceedda la shaacin, sababo amni darteed.

SomlegalAds

Wasiirka Arrimaha bulshadda u qaabilsan Maamulkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta loo soo galiyey waanwaan dheer ka dib, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dadaal badan kaddib waan ku guuleysannay in lasii daayo haweeneyda Britishka ah. Waxayna ka dhooftay iyadoo kusii jeedaNairobi,” Laba goobjooge ayaa iyaguna sheegay inay arkeen Tebbutt oo diyaarad ka raacaysa garoonka diyaaradaha ee Cadaado.

Mid ka mid ah budhcadan aftuubatay oo magaciisa ku sheegay Axmed ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay isoo daadiyey.

Dableyda ayaa kusoo qabsaday haweeneydan weerar ay ku qaadeen xeebta Kiwayu Safari aroornimadii hore 11-kii Septermber, 2011, iyagoo toogteen David Tubbett oo 58-jir ahaa qabayna haweeneyda oo ay afduub u soo kexeysteen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.