WorldRemitAds

Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa dhamaan hantideedi oo dhan xaraashtay una diyaar garowday dhimasho, ka dib markii jawaab caafimaad oo khaldan la siiyay, taas oo cadaynaysa in xanuun halis ahi ku dhacay oo ay wakhti kooban noolaan doonto.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Julie Shann da’deeduna tahay shan iyo konton jir, ayaa baadhitaan caafimaad u tagtay cusbitaal ku yaala dalka Ingiriiska, hasa yeeshee markii baadhitaanka lagu sameeyay ayaa jawaab khalad ah oo aanay lahayn laga siiyay shaybaadhkii lagu baadhay, waxaana loo sheegay in cudurka Kansarku meel halis ah ka gaadhay maalmo koobanina ay nolosha uga hadheen.

SomlegalAds
Haweenay Jawaab Khaldan Oo Caafimaad La Siiyay Oo Hantideedi Xaraashtay Dhimashana Isku Diyaarisay
Julie Shann oo 55 jir ahi waxay sheegtay inaanay ka samrayn alaabteedii qaaliga ahaa ee ay xaraashtay

Haweenaydan ayaa markii ay jawaabtan adag heshay, degdeg u xaraashtay dhamaan hantideedi qaaliga ahayd, waxaanay guda gashay inay isu diyaariso dhimashada iyo qaban qaabada aaskeeda, taas oo noqotay waxa kaliya ee ay ka fikirto cid kasta oo ay danaynaysana ay kala sheekaysato.

Hasa yeeshee bil ka dib ayay ku noqotay cusbitaalka Hull Royal Infirmary ee cudurka Kansarka u qaabilsan dalka Ingiriiska, halkaas oo baadhitaan dhamaystiran mar kale loogu sameeyay, balse natiijo aan caadi ahayn oo si wayn uga duwan tii hore loo siiyay ay ka soo baxday.

Sida warbaahinta dalka Ingiriiska intooda badani ka warameen, baadhitaanka danbe ee lagu sameeyay haweenaydan oo ay ka qayb galeen dhakhaatiirta ugu waaweyn cudurka Kansarka ayaa lagu ogaaday in wax kansar ah oo hayaa aanu jirin, halisna aanay nolosheedu ku jirin xalaadeeduna dabiici tahay.

Haweenay Jawaab Khaldan Oo Caafimaad La Siiyay Oo Hantideedi Xaraashtay Dhimashana Isku Diyaarisay
Cusbitaalka Hull Royal Infirmary ee baadhitaanka dambe ku sameeyay Julie Shann

Markii natiijadan danbe soo baxday ayaa dib loogu noqday warqadii hore ee digniinta ahayd iyo cida soo saartay waxaana lagu ogaaday in qofkii hore u baadhay ahaa, dhakhtar aan aqoon u lahayn cudurka kansarka jawaabta uu siiyayna ay ahayd mid aan sax ahayn oo khaldan.

In kasta oo walaacii ka degay oo xaaladeedu caadi ku soo noqotay, haddana Julie Shann waxa ku dhacay dhaawac culus oo maskax ahaan iyo maaliyad ahaanba u soo gaadhay, waxaana bilaabmay dood la xidhiidha cida magdhow ka siinaysa dhibaatada ka soo gaadhay jawaabtii caafimaad ee khaladka ahayd.

Haweenaydan Julie Shann ayaa wargeyska Daily Mail u sheegtay walaaca iyo xaalada jawaabta hore ee caafimaadkeedu gelisay, waxaanay iyadoo ka hadlaysa ay tidhi, “Muddo bil ah ayaan dhimasho isu diyaarinayay oo aan maalin walba sugayay sidii oo ay albaabka igu garacayso geeridu, waxaanan noqday qof mar walba aakhiro ka sheekaysa.”

Haweenaydan oo hadalkeeda sii wada waxay tidhi, “Waxaan isku dayay inaan qof adag oo aan jixin jixin noqdo, hasa yeeshee xaaladu way iga faro muruxsatay oo waxaan bilaabay inaan mar walba ooyo, waxa igu soo ururi jiray carruurtayda oo isku dayayay inay I taageeraan walaacana iga yareeyaan, laakiin taas lafteedu may ahayn suura gal oo waxa na wada hadheeyay murugada, waayo? Waxaan mar kasta oo aan jiifsado ama furaashkayga tago, ku fikiri jiray in aroorta aan dhimanayo oo aanan nolol ku soo toosi doonin, waxa kaliya ee aan ku riyoodaa waxay ahayd geeridayda, xabaasha iyo sida carruurtaydu noqon doonto marka aan ka tago.” Ayay tidhi Julie Shann.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.