WorldRemitAds
Haweenay u dhalatay dalka Indonesia ayaa noqotay ama ku biirtay sawir qaadayaasha loogu jecel yahay dunida, waxaanay tiraba dhawr jeer ku heshay bilado iyo shahaado sharafyo kala duwan oo caalami iyo waddankeeda intaba ah.

Gabadhan oo iyadoo yar shil baabuur ku wayday labada dhudhun ee gacmaheeda, hasa yeeshee may niyad jabin oo kumay keenin niyad xumaan iyo rejo dhigis, waxaanay ku guulaystay in ay noqoto qof si wayn looga yaqaan dalkeeda iyo meelo kale oo dunida ka mid ah.
Haweenay Indonesian ahGabadhan ayaa shilkaasi ku keenay in ay ka baxdo dugsiga oo ay markaa ku jirtay fasalka todobaad, hasa yeeshee waxa ay mar kale si aanay u mustaqbeelin bilowday barashada qaabka sawirka loo qaado, waxaanay ugu danbayntii ka jibo keentay dedaal ay ku bixisay barashada aalladaha wax lagu sawiro iyo kuwa lagu sifeeyo.
Rusidah Badawi waxa ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegtay in aanay imika isku arag qof, naafo ah, hasa yeeshee ay kaliya dareento mararka ay gacmaheeda uga baahato in ay waxyaabaha qaarkood ku qabsato, waxa kale oo ay intaa ku dartay in ay baratay xirfad shaqo oo ay ka soo saari karto nolol maalmeedkeeda.
Gabadhan ayaa talo iyo fariin u dirtay dhamaan dadka naafada ah ee dunida ku dhaqan, oo ay ku boorisay in niyad jabka iyo quusta ay ka baxaan, oo dedaal sameeyaan si ay isku garab tagaan dadka kale, waxa Rosidh Badawi ay si wayn uga hadashay guusha iyo guul darada oo ay tilmaantay in labadaba qofku samayn karo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.