WorldRemitAds

Haweenay Muslim ah ayaa taariikhda markii ugu horaysay, marwada koowaad ka noqotay dalka Argentina, waxaanay gabadhan Muslimada ahi ka mid tahay dadka loogu aqoonta badan yahay dalkaas ee magaca iyo maamuuska sare ku dhex leh bulshada waddankaa.

Juliana Ibrahim Awada Baker, waa marwada Madaxweynaha cusub ee todobaadkan loo doortay dalka Agentina Mauricio Macri, waxaanay lamaanahani ku jiraan dadka ugu saamaynta wayn dalka Argentina, oo isku kalsoonidooda qoysnimo iyo sumcada ay bulshada ku dhex leeyihiin,  u horseeday inay noqdaan, qoyska kowaad ee dalkooda.

Juliana Ibrahim Awad, ayaa sanadkii 1974-kii, ku dhalatay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, waxaana iska dhalay, Aabe asalkiisu Lubnaani ahaa iyo Hooyo iyadana asalkeedu Suuriyaan ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa jaaliyada carabta ah ee dalkaas ku dhaqan, awooda badan ee ganacsina ku leh.

SomlegalAds

Haweenay Muslim Ah Oo Noqotay Marwada 1aad Ee ArgentinaAabaha dhalay gabadhan muslimada ah ee Marwada Madaxweynaha Argentine Ibrahim Awada Baker, ayaa ka tacabiray, magaalada Bacalbak ee Gobolka Biqaac ee dalka Lubnaan, halka hooyadeed Elizaberk iyaduna ay ka haajirtay dalka Suuriya.

Juliana ayaa waxbarashadeeda ilaa heer jaamacadeed ku qaadatay Magaalada Buenos Aires ee caasimadda dalka Argentina, ka dibna waxa ay bilowday hawlo ganacsi, oo ay si wayn ugu naajaxday, kana samaysatay shirkad wayn oo ay iyadu maamusho.

Sanadkii 2010-kii ayay gabadhani guursatay Mauricio Marci, oo isagu ahaa Mayerka caasimadda Argentina ee Buenos Aires, waxaanay gashay olole ay ninkeeda ugu dalacsiinayso jagada madaxweyne nimada ee dalkaas, taas oo habka kaliya ee u fududeeyay, ahaa maal qabeen nimadeeda awgeed, sababtoo ah waxa ay taasi ka fogaynaysaa inuu musuq maasuqo hantida shacabka.

Gabadhan ayaa sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, aqoon sare u leh, baayac mushtariga iyo xidhiidhka bulshada, waxaanay door laxaad leh ka qaadatay, ololihii ninkeedu ku gaadhay kursiga madaxtinimada dalka Argentina.

Juliana Ibrahim Awada ayaa ku hadasha, afar luuqadood oo kala ah, Spanish, Faransiis, Ingiriis iyo Afka carabiga oo ahaa, kii ay ka baratay labadeeda waalid.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.